3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Dagaal Laba beelood u dhexeeya oo ka socda koonfurta gobolka Sool

 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Labo Qof ayaa ku dhintay dagaal la  sheegay in uu hada ka socdo deegaanka Dan-dan oo hilaadii 40km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay Jiraan 5qof oo kale oo dagaalkaasi ku dhaawacmay Ilaa iyo hadana uu socdo, isu ciidansi xooglana laga abaabulayo deegaanada ay u kala dhasheen labada beelood ee dhibtu ku dhex aloosantahay.

Faysal Jaamac Aadan Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta ayaa HOL u xaqiijiyay in ciidamo Kala dhex gala labada dhinac loo diray hase yeeshee aysan wali gaadhin.

Colaadan soo cusboonaatay ayaa hadal haynteedu Ilaa xalay ku badnayd gobolka taasi oo walaac laga muujinayo madaama an mudo dheer laga joogin heshiis ay kala qaateen labada beelood.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan online.

[email protected].

Laascaanood, gobolka Sool.













Click here
9/6/2018 11:50 PM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Waxaa maanta Xarumaha Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ka bilowday imtixaanka ogolaan-shaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas ee sanad dugsiyeedka 2018-2019 kaasoo ay u fariisteen sanadkan ardaydii ugu badneyd.

9/6/2018 2:30 PM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib shirkii Saddex geesoodka ahaa ee uu kaga qeyb galay magaalada Asmara, kaasi oo u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

9/6/2018 10:12 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Saddexda Wasiirro arrimo dibedeed ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaaray dalka Jabuuti, kaddib shir madaxeedkii maalintii shalay magaalada Asmara ku dhaxmaray madaxweynayaasha saddexda wadan.

9/6/2018 8:48 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) – Koox budhcad ah ayaa xallay fiidkii Gaadhi nooca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Oomaar ku afduubteen bariga magaalada Hargeysa, kuwaas oo lala baxsaday.

9/6/2018 8:28 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Golaha deegaanka degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa doortay duqa degmada iyo ku-xigeenkiisa,doorashada ayaa ka saartay magaalada ganacsiga ah maamul kumeel-gaar ah oo muddo shaqeynayay.

9/6/2018 6:31 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.

9/6/2018 1:31 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) – Hooyada dhashay madaxweynihii hore ee dowlad deegaaanka Soomaaliyda Itoobya Cabdi Maxamuud Cumar oo magaceeda ku sheegtay Diid Mahad Caloow ayaa ka dalbatay bulshada Soomaaliyeed in ay u gurmadaan wiilkeeda Cabdi Maxamuud Cumar oo sida sheegtay xabsiga ku dhax xannuunsanaya.

9/6/2018 1:10 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha degmada Xamar –Weyne Cumar Shariif Maye ayaa lagu soo oogayaa dacwad ka dhan ah in uu gafay Booliiska Soomaaliyeed iyo xukuumadda uu madaxda ka yahay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

9/6/2018 12:52 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa wargeyska The New York Times ka dalbay inuu sheego magaca qof Aqalka Cad ka shaqeeya oo qoray maqaal uu wax kaga sheegay madaxweyne Trump.

9/6/2018 12:35 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)-Dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku kala sixiixday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.