4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Hooyada dhashay madaxweynihii hore ee DDSI oo codsatay in la sii daayo wiilkeeda

 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) – Hooyada dhashay madaxweynihii hore ee dowlad deegaaanka Soomaaliyda Itoobya Cabdi Maxamuud Cumar oo magaceeda ku sheegtay Diid Mahad Caloow ayaa ka dalbatay bulshada Soomaaliyeed in ay u gurmadaan wiilkeeda Cabdi Maxamuud Cumar oo sida sheegtay xabsiga ku dhax xannuunsanaya.

Fariin ay soo dhigtay baraha bulshada ayeey uga codsatay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dowlad deegaanka iyo xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed in wiilkeeda leyska cafiyo, lagana sii daayo xabsiga uu ku jiro.

“Magaceygu waa Diid Mahad Colow, waxaan ahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar Hooyadii, waxaan idinka codsanayaa dhammaan Soomaali Maxamed meel walba oo ay joogto cid kasta oo wax ka tirsaneysa Cabdi Maxamuud Cumar in uu dar ilaahey u saamaxdo, ayeey tiri Hooyada dhashay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxey sheegtay in hadda uu ku jiro sida uu ay hadalka u dhigtay gacan cadaw, oo ay ula jeeday markaa gacanta xukuumadda dhexe ee Itoobiya oo xirtay Cabdi Maxamuud Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayeey ugu baaqday in uu ka qeyb qaato sii deynta wiilkeeda, maadaama uu ku jiro gacanta dowladda uu isaga madaxda ka yahay.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidamada federaalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]