9/24/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2018
Xildhibaan Yuusuf Xasan "Ma jiro howlgal lugu beegsannayo Soomaalida"


 

Arbaco, September, 05, 2018 (HOL) – Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamukunji ee Islii ay katirsantahay ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ka dalbaday bulshada Soomaalida ee ku nool Islii inay is dejiyaan, kaddib markii ay soo baxday warar ku saabsan howlgallo cusub oo ka billaabannaya xaafadda Soomaalida.

Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa dhawaan shaacisay in la billaabayo howlgallo lugu beegsannayo ajaanibta aan heysan sharciga ganacsiga, balse taasi waxay walwal ku abuurtay bulshada Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii.

"Bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegaya dalkan iyo Nairobi waxbey ku leeyihiin,mana dhici karto cid inay ku xad-gudubto dowladda Kenyana taas ma dooneyso... waayo sharci ayay dalkan ku joogan, waxaan u sheegaya inay is dajiyaan." ayuu yiri xildhibaan Yuusuf oo inta ku daray "Amarka soo baxay waa mid lugu doonnayo in lugu oggaado ajaanibta aan u dhalan qaaradda ee ka ganacsada Nairobi, ee ma aha howlgallo lugu beegsannayo Soomaalida."

Toddobadkii u dambeeyay ayaa aad looga hadal-hayay xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay magaalada Nairobi ee Islii in dib uu u billaabanayo howlgal la mid ah midkii ciidammada amniga ay ka sameeyeen xaafadda sannadkii 2014, markaas oo xaafadda laga saaray boqollaal ruux oo Soomaali ah kuwaas oo qaarkood dib loogu celiyay dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
 







Click here
9/5/2018 2:48 PM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Nin ayaa ku dhintay tuulada Dharkayn-Geenyo oo 70Km. ku dhawaad galbeed uga aadan magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

9/5/2018 9:46 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale.

9/5/2018 8:41 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa 20 sano kadib maanta ku xirtay dekedda Eritrea , sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xiriir la leh dawladda.

9/5/2018 4:20 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta socdaalkiisii labaad uu ku tago magaalada Asmra ee dalka Eritrea.

9/5/2018 3:30 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL) – Iyadoo maalintii shalay magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamul gobolleedka Galmudug lagu soo doortay mid ka mid ah kuraasta ka bannaan golaha Shacabka ayuu guddiga doorashada sheegay in la qabanayo doorashada kuraasta kale ee ka banaan golaha shacabka ee degaan doorashadooda ay tahay magaalada Baydhabo.

9/5/2018 1:30 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL) – Brett Kavanaugh oo ah garyaqaan uu Madaxweynaha Maraykanka D. Trump u soo xulay inuu noqdo xaakimka 9aad ee Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa sheegay in falfasaddiisu ay tahay mid aan laa-laab lahayn. Waxa uu sheegay in xaakim looga baahan yahay inuu sharciyo fasiro ee aan looga baahneyn inuu sharci dejiyo.

9/5/2018 1:04 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobollada dhexe Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Al-shabaab qafaasheen in ka badan 60 odey dhaqameed.

9/5/2018 12:51 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Iyadoo uu dhamaaday muddo xileedkii danjiraha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wadaa in uu shaqada la wareego Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Africa.