4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda oo galinkii danbe ee maanta lagu dilay Muqdisho

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Rag hubeysan islamarkaana watay gaari yar oo Kaarib ah ayaa galinkii danbe maanta ku toogtay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dableyda toogashada geystay ayaa markiiba goobta si deg deg ah uga baxsatay, iyadoo intaa kddib-na halka ay toogashadu ka dhacday gaareen isla ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in askartan la toogtay la socdeen gaari Mooto Bajaaj ah kaddib markii ay soo warareen rag hubeysan oo ku socdaalayay gaari yar oo kuwa raaxada ah.

Meydadka afarta askari ee la dilay ayaa markii danbe la dhigay xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Marar badan oo hore waxaa sidan oo kale loo bartilmameedsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, dilalka noocan ahna waxaa sheegta Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]