4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Jalaluddin Haqqani oo geeriyooday

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Ninkii aas-aasay Shabakadda Haqqani, oo ah mid ka mid ah ciidamada ugu dilalka badan, looguna cabsida badan yahay ee kooxda Taliban, ayaa geeriyooday kadib muddo uu xanuunsanaa.

Afhayeen u hadlay Taliban, Zabiullah Mujahid ayaa maanta bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida Jalaluddin Haqqani.

Haqqani ayaa ku biiray jihaadka Afghanistan, intii uu socday dagaalkii mujaahidiinta ay kula jireen Midowga Soviet, sanadihii sideetamaadkii.

“Waqti dalkeena uu wajahayey halista shuuciyadda aan diinta lahayn, islamarkaana dhulka Islaamka ee Afghanistan uu halis ugu jiray diin la’aan ayaa Haqqani wuxuu u istaagay inuu ka difaaco shuuciyadda” ayaa lagu yiri bayaanka Taliban.

Haqqani ayaa xilligaas waxa uu aad uga dhowaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da oo dagaalyahannada Afghanistan ka taageereysay dagaalka ka dhanka ah Midowga Soviet.

Shabakadda Haqqani ayaa fuliyey qaar ka mid ah weeraradii ugu adkaa, uguna dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Afghanistan waxaana ka mid ahaa mid sanaddii 2017 lagu dilay 150 qof oo ka dhacay Kabul.

VOA