4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2018
Guddoomiye Cirro oo ku baaqay in xukuumaddu wax ka qabato cabashooyinka deegaan kasta ka jira

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in inta tabashooyinka jira sababi karaan amni daro hadii aan wax laga qaban, waxaanu xukuumada ugu ugu baaqay inay arrimahaasi jira xalliyaan.

Cirro oo safar uu ku maqnaa Itoobiya dalka dib usoo noqday ayaa sheegay in isbedelka ka jira Itoobiya iyo Deegaanka Soomaalida laga faa’iidaysto, isagoo xusay inay saraakiil ka tirsan dawladda fadaraalka Itoobiya kulmeen.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Tabashooyin uu sheegay inay deegaanada Somaliland ka qabaan xukuumada, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto

“Somaliland maanta deegaan kasta waxa taal tabasho meel walba taabanaysa oo ay ka mid yihiin adeega bulshada, waxa ku waajib ah xukuumada inay dhagaysato oo waxna ka qabato tabashooyinka iyo cabashooyinka shacabka ee deegaan kasta, waxaanu ka digayna inay ka dhego adeegto xukuumadu dhowaaqa dheer iyo cabashooyinka jira oo keeni kara burbur umadeed iyo fashil dawladeed.”ayuu yidhi Cirro.

Waxa kale oo uu fariin u direy shacabka ku dhaqan gobolka Sool iyo Sanaag inay ku faro adeegaan nabadgalyada.

Sidoo kale, waxa u ka hadlay sarkaal ka tirsanaa ciidanka militariga oo ka goostay kuna sugan Puntland oo uu sheegay in xukuumaddu cabashadiisa wax ka qaban wayday, waxaanu yidhi “Odayaasha kornayl Caare oo madaxweynaha u tagay bishii Ramadaan waxa uu madaxweynuhu u sheegay in aan lagala hadal arrinta Caare oo ay xukuumaddu go’aan ka gaadhi doonto, sidoo kale gudidii xalisay colaadihii ka jiray Ceel afweyn waxay xukuumadu ku wargalisay in arrinta Kornayl Caare iyadu xal ka gaadhi doonto, Caare afar bilood ayuu joogay Sanaag isagoo ka maqan ciidanka qaranka, wax xal ah kama samayn xukuumaddu.”.

Gudoomiye Cirro waxa uu ugu baaqay xukuumada inay dhagaysato tabashooyinka dadka,isla markaana wax ka qabato.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.