4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Dad ka badan 1,000 oo loo sameeyay Idho Fiiq lacag la’aan ah


Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Xarunta Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlo isugu jira, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameynayo kumanaan qof oo danyar ah.

Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in dadka ka faa’iideystay mashruucan samafalka ah ay ka kala yimaadeen gobolada dalka qaarkood iyo xeryaha barakacayaasha aysan jirin wax lacag ah oo laga qaaday haba yaraatee.

“Waxaa Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ka socda howlo isugu jira, baaritaan, daweyn iyo indho fiiqis samafal ah kaasoo loogu talo galay in lagu taageero dadweynaha Soomaaliyeed kuwooda danyarta ah ee ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Dr. Dalmar ayaa intaa raaciyey in hirgelinta mashruucan samafalka ah ay iska kaashadeen heyadda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee Turkiga iyo hey'adda Al-Nuur Foundation, waxaana ka qeyb qaadanaya ayuu yiri dhaqaatiir u dhashay dalka Pakistan iyo kuwo Soomaali ah. 

“Mashruucan oo soo socday labadii bilood ee la soo dhaafay, waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 10,000 kun oo qof oo loo sameeyey baaritaano iyo daweyn bilaash ah, waxaana Muraayadaha arraga la siiyey dad ka badan 4,000 kun, iyadoo qaliin fiiqis ahna uu u soo baxay illaa 1,000 qof, kuwaasoo haatan howshoodu ay socoto” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar.

Agaasimaha Isbitaalka Al-Nuur ayaa xusay in mashruucan uu yahay kii shanaad ee ay sameeyaan sanadkan uuna qorshuhu yahay in afar kun oo qof si bilaash ah loogu fiiqo indhaha, isagoo tilmaamay 3 kun oo ka mid ah loo sameeyey, kunka harayna ay u qorsheysan bisha Novembar iney indhaha u fiiqaan.

Mashruucan samafalka ah ayuu sheegay iney horey marar badan uga fuliyeen magaalada Muqdisho, gobolada Jubooyinka, degaanada Koonfur galbeed iyo meelo kale ayna ku rajo weyn yihiin iney gaarsiiyaan mustaqbalka degaano cusub.

Wuxuu u mahad celiyey dhamaan heyadaha ka qeyb qaadanaya mashruucan, shaqaalaha Isbitaalka Al-Nuur, maamulada magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ee fududeeyey iyo intii kale ee gacanta ka geysatay fududeynta howshan samafalka ah.

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u duceeyey maamulka isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay howshan.

Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa maalmahan laga dareemayey Mashquul fara badan, iyadoo ay soo buuxiyeen dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah, iyadoo shaqaalaha isbitaalkana ay wadeen howlo ay ku baxnaaninayaan kuwa indhaha loo qalo, kuna diyaarinayaan bukaanada qaliinka loo sameynayo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]