4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo dhaliilay siyaasadda dowladda

Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Shirkan oo ah kii 3-aad oo ay isugu yimaadaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo, ayadoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda dowlad goboleedyada, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada MIdoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mudnayaal ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka dalka.

Daahfurkii shirka waxaa ugu horeyn ka hadlay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa soo dhaweynta madaxda kadib ka sheekeeyay ahdaafta loo aasaasay golahan, isagoo xusay in goluhu u taaganyahay iskaashi iyo wax wada qabsiga dowlad goboleedyada.

Waxa uu aad ugu dheeraaday arimaha dastuurka oo uu xusay in kulamada wadatashiga ee dib u eegista dastuurka aan loo marin wadadii la rabay, waxa uu sheegay in haddii dastuurku noqon waayo mid loo dhanyahay in ay ka dhalan karto dhibaato.

Dhinaca kale, dowladda ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay fulinta go’aamadii kazoo baxay  shirarkii kala duwanaa ee ay wada qaateen dowladda iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Gudoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Max’ed Cali Gaas, ayaa sheegay in shirkan looga tashan doono arimo la xiriira aniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo isdhexgalka dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay in shirka inta uu socdo la iska wareeysan doono golaha mudadii uu dhisnaa waxa u qabsoomay iyo in la xaqiijiyay ahdaaftii loo aasaasay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in sidoo kale ay goluhu ka shiri doonaan waxyaalaha la qabsoomay heshiisyadii iyo wadahadalladii dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ahna guddoomiye ku xigeenka Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada  Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay taariikhdii Soomaaliya iyo weliba horumarkii uu dalku ku talaabsaday, taasoo uu xusay in laf dhabar ay u ahayd midnimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay burburkii dowladdii Soomamaliya, iyo faragelintii shisheeye saameynta ay dalka ku reebtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro isbadal muuqda, balse waxa uu walaac ka muujiyay xaaladaha dhanka siyaasadda ee dalka, isagoo sheegay in ay maanta mareeyso meel Qatar badan oo dib dalka ugu celin karta dhibaatooyinkii lasoo maray.

Madaxweynaha Koonfur Galbee Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo kan dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhankooda ka hadlay ahmiyadda kulanka, iyagoo xusay in waxa laga tashanyo ay tahay danta umadda Soomaaliyeed.

Waxa ay madaxdani ku dhaliileen dowladda arimaha dastuurka, cadaaladda iyo ka miro dhalinta heshiisyadii ay la galeen madaxda dowlad goboleedyada.

Ugu danbeyntii waxaa shirka lagu soo dhaweeyay oo khudbad ka jeediyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating oo dhawaan xafiiska baneyn doono, isagoo ka sheekeeyey isbadallada muuqda ee dalka ka jira, waxa uu kula dardaarmay madaxda Soomaalida in ay wax walba ka tashadaan, kana shaqeeyaan sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo midnimada.

Mudaneyaal ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka ayaa goobjoog ahaa kulanka, mana jirin cid dowladda dhexe ku mataleeysay.

Shirkan ayaa socon doona mudo afar Maalmood ah, waxaa la filayaa in gabagabada laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad goboleedyada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.