4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka Somaliland oo ka warbixiyey khasaarihii Duufaantii SAGAR

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Hay'adda u diyaar-garowga Aafooyinka & Kaydka Raashinka Somaliland ayaa ka warbixisay daraasad ay ku sameeyeen khasaarihii ay gaystay duufaantii SAGAR ee ku dhufatay xeebaha Somaliland, taas oo ay ku sheegeen in lagaga soo kaban karo dhaqaale gaadhaya $ 2,11 Milyan Dollar.

Gudoomiyaha Hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo kaydka Raashinka Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaaa sheegay in 12 Degmo oo kala ah goboladda Awdal, Gabiley, Selel, Saaxil, Maroodi jeex iyo Sanaag ay khasaare ka soo gaadheen, waxaana ku geeriyooday 53 qof oo toddoba ka mid ah daadadkii la tageen oo aan la aasin, waxa kale oo khasaare ka soo gaadhay dad ku dhow 900,000 qof, sidoo kale in ku dhow 3,10,000 oo neef ayey ku laysay.

Waxa kale oo daraasadan laga sameeyey khasaarihii ay sababtay duufaantii SAGAR lagu sheegay inay burburisay wadooyin dhan 210KM, waxa dumay 40 dugsi, 12 MCH, 1,459 Guri, 29 Xafiisyo dawladeed, 8,973 beerood iyo 12 Ceel-biyood.

Gudoomiyuhu wuxuu ganacsatadda iyo hay’adaha caalamiga usoo jeediyey in ay dadkaasi u baahan yihiin taageero iyo inay ka soo kabtaan dhibaataddii soo gaadhay. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland