3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Cabdullaahi Gaafoow oo ku guuleystay xubinnada xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee  gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku guuleystay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

Musharax Xiireey Muxudiin Cumar oo ah Guddoomiyihii hore ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa la tartamayay Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud balse inta aysan doorashada bilaaban ayuu ku dhawaaqay Musharax Xiireey inuu tanaasulay, balse guddiga Doorashooyinka ayaa go’aamiyay inay codeeyaan ergada oo tartan lagu kala baxo maadaama sidaas hore loo qorsheeyay.

Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa helay codad gaaraya 43-cod halka Musharax Xiireey Muxudiin Cumar uu helay 7-cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga, sidaas waxaa fursad u helay inuu ku guuleysto buuxinta kursigaasi ka bannaanaa Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/4/2018 3:37 PM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Rag hubeysan islamarkaana watay gaari yar oo Kaarib ah ayaa galinkii danbe maanta ku toogtay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

9/4/2018 12:12 PM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qudbad dheer ka jeediyay shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika isagoo ku tilmaamay shirka inuu yahay mid taariiqi ah.

9/4/2018 11:17 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Alle ha u naxaristeen Saciido Nuur Abuukar [Saciido Wariiri] oo ka mid ah aheyd Gabdhihii ugu horeeyay xulka Qaranka kubadda Koleyga Soomaaliya ayaa ku geeriyootay magaalada Toronto ee dalka Canada.

9/4/2018 9:11 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Ninkii aas-aasay Shabakadda Haqqani, oo ah mid ka mid ah ciidamada ugu dilalka badan, looguna cabsida badan yahay ee kooxda Taliban, ayaa geeriyooday kadib muddo uu xanuunsanaa.

9/4/2018 8:43 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in inta tabashooyinka jira sababi karaan amni daro hadii aan wax laga qaban, waxaanu xukuumada ugu ugu baaqay in ay arrimahaasi jira xalliyaan.

9/4/2018 8:37 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Xarunta Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlo isugu jira, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameynayo kumanaan qof oo danyar ah.

9/4/2018 8:32 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Shirkan oo ah kii 3-aad oo ay isugu yimaadaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo, ayadoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda ....

9/4/2018 8:07 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Maalmihii aan soo dhaafnay waxaa Koonfur Africa ka taagnaa weerarro ku saleysnaa isir-naceyb oo lagu boobay ganacsiga dadka ajaanibta ah oo Soomaalida ka mid yihiin, ka sokow boobka han-tiyeed ee soo gaaray Soomaalida, waxaa jira saddex muwaadiniin Soomaaliyeed oo dab uu qab-saday goob-tooda ganacsi.

9/4/2018 7:11 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Hay'adda u diyaar-garowga Aafooyinka & Kaydka Raashinka Somaliland ayaa ka warbixisay daraasad ay ku sameeyeen khasaarihii ay gaystay duufaantii SAGAR ee ku dhufatay xeebaha Somaliland, taas oo ay ku sheegeen in lagaga soo kaban karo dhaqaale gaadhaya $ 2,11 Milyan Dollar.

9/4/2018 4:46 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa lugu wadaa goor dhow inuu shirkoodii saddexaad uga furmo magaalada Kismaayo kuwaasi oo halkaasi gaaray labadii maalin ee u dambeysay, sheegayna inay ka arrinsanayaan arrimaha khuseeya maamulladooda.

9/4/2018 4:24 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Ururkan ku abtirada Al-Qaacida ee Al-shabaab kana dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa daraasad la sameeyay lagu ogaaday in Lixdii bilood ee la soo dhaafay ay qaadeen xoogaggooda 418 weerar.

9/4/2018 2:04 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Ururka Warshadleyda Somaliland ayaa si weyn uga hor timid wareegtadii uu madaxweyne Muuse Biixi ku joojiyey cashuur dhaaf loo samayn jirey alaabta iyo badeecadaha dibada uga yimaada warshadaha.

9/4/2018 12:07 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)–Jaaliyadda Soomaaliyeed magaladda Columbus Ohio ayaa soo dhaweyn u sameeyay Gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof: Adan Gulled Shabel oo dhawaan soo gaaray magalaada columbus.

9/4/2018 12:02 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)–Magaalada Beijing waxaa si rasmi ah maalintii shalay uga furmay madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.