Warshadleyda Somaliland oo ka cabanaysa wareegta laga soo saaray cashuur dhaaf loo samayn jirey
Talaado, September, 04, 2018
(HOL) - Ururka Warshadleyda Somaliland ayaa si weyn uga
hor timid wareegtadii uu madaxweyne Muuse Biixi ku joojiyey cashuur dhaaf loo
samayn jirey alaabta iyo badeecadaha dibada uga yimaada warshadaha.
Ururka warshadleyda ayaa sheegay hadii cashuur
dhaafkaasi loo samayn jirey alaabta qaydhin ee dibada ka soo iibsadaan la
joojiyey ay sababi doonto in warshaduhu xidhmaan, isla markaana wadanka ceeb ku
noqon doono oo dadkii maalgashan lahaa dib uga laabanayaan.
Qoraal cabasho ah oo ay u qoreen madaxweynuhu
in uu go’aankaasi ka noqdo ayey ku sheegeen in wareegtada cashuur dhaafta loo
samayn jirey lagu joojiyey ay dhibaato u keenayso warshadaha dalka ka furan.
“Madaxweyne waxaanu ku sheegayna in
madaxweynihii kaa horeeyey wuxuu digreeto ku amray in wasiirka
Maaliyaddu in badeecadaha dalka gudihiisa lagu sameeyo kuwo la midka ah
ee dibada laga keenayo in cashur dheeraad ah la saaro, taasina madaxweyne lama
fulin oo waa layska dhago tirey.”ayuu yidhi gudoomiyaha ururka warshadleyda
Somaliland Maxamed Sh. Cumar.
Waxa kale oo ay ka hadleen joojinta cashuur
dhaaftaasi loo samayn jirey, waxaanay qoraalkooda ku yidhaahdeen sidan “waxaanu
ka codsanayna in dib u eegid arintaasi wareegta ah ee aad soo saartay wixii ka
khuseeya warshadaha dalka maadaama ay warshadaha dalku xidhmayaan oo aanay ku
shaqayn Karin hadii laga cashuuro alaabta caydhin iyo qalabka ay warshaduhu ku
shaqeeyaan.”
Sidooo kale, waxay sheegeen in madaxweynuhu
wareegtadaasi ku sheegay in saddex sanno oo kaliya warshada cusub loo sameeyo
cashuur dhaaf, haseyeeshee warshadii hore u jirtay hadii ay timaado
warshad la mid ah oo cusub oo cashuur dhaaf loo sameeyo ay sababayso inay
meesha ka saarto tii ka horeysay ee jirtay maadaama oo ka qiimo jabnaanayso wax
soo saarkeeda tii la midka ahayd ee hore u jirtay.
Warshadleydani waxay sheegeen in dib loo eego
wareegtadaasii oo la jaanqaadi Karin koritaanka warshadaha yaryar ee dalka ka
abuurmaya.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.