4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Gudoomiye ku xigenka Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu soo dhaweeyay Ohio


Talaado, September, 04, 2018 (HOL) – Jaaliyadda Soomaaliyeed magaladda Columbus Ohio ayaa soo dhaweyn u sameeyay Gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof: Adan Gulled Shabel oo dhawaan soo gaaray magalaada columbus.

Soo dhaweynta Gudoomiye kuu xigeenka waxaa ka soo qeybgalay dad Miisaan culus ku leh jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio.

Waxaa ka hadlay soo dhaweyntan Wasiirkii hore ee waxbarashada Somaliya dowladii Tayo Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, duqii hore ee magalada muqdisho Abdilahi Hashi, Profaysaro wax ka dhiga jaamacadaha, Kuliyadaha Ohio iyo qeybaha bulshada.

Inta baddan dadkii ka hadlay ayaa iftiimiyay ahmiyadda Jaamacadda Ummaddu u leedhay shacabka Soomaaliyeed.

Pro: Adan Guled Shabel waxa uu si qoto dheer u sharaxay marxaladihii ay soo martay jaamacada, Halka ay hada marayso iyo halka ay Hiigsanayaan.

Rajo quruxbaddan oo dhiirogalin muudan ayuu ka muujiyay jaamacada oo iminka sharafteedii dib ula soo laabatay isla markaana ay ka soo baxayaan dhalinyaro dalku u bahanyahay.

Qeybaha Jaamacada ee wali aan soo galin gacantooda ama dib u dhiska aan lagu samayn iyo faracyada goboladda ayuu ku tilmaamay in loo bahanyahay in la iska kaashado dhismahooda iyo taaba galintooda.

Dowladihii dalka isaga danbeeyay ayuu xusay in ay kaalin fiican ka qaateen howlihii la soo qabtay balse wali aysan si dhamaystiran u qabsoomin balan qaadyo laga sugayay.

Dhamaan dadkii ka hadlay xaflada waxay soo dhaweeyeen warbixintiisa iyaga oo balan qaaday in kaalintooda ka qaadan doonaan howshan.

Deeqo Shire (SONNA)

Columbus Ohio