3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Soomaaliya oo ka faa’idaysanaysa Sanduuqa $60ka bilyan ee Shiinuhu u qoondeeyey Qaaradda Afrika

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) – Magaalada Beijing waxaa si rasmi ah maalintii shalay uga furmay madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugu talagalay Afrika.

Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood.

Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale.

Badi hindisa-yaasha horumar ee sanduuqan ayaa waxa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale.

Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho.

Sanduuqan $60 bilyan ah waxa uu ka kooban yahay $15 bilyan oo dayn bilaa dulsaar ah, $15 bilyan kale oo deeq ah, $20 bilyan oo dayn ah, iyo 5 bilyan oo lagu taageerayo badeecadaha laga soo dhoofiyo Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Xi Jinging, wadahadalladii ay yeesheen ka hor intaanu dhicin shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, waxa ay isla garteen in la xoojiyo xiriirrada dhaqaale iyo in la iska kaashado hindisayaasha horumarka.

Soomaaliya waxa ay dadaal ku bixinayaaa helidda maalgelin horumarineed iyo maalgashi shisheeye si ay u gaarto yoolalka horumarka, ugana faa’iideysato halka ay kaga taallo Geeska Afrika oo ah meel Istiraatiiji ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/4/2018 3:37 PM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Rag hubeysan islamarkaana watay gaari yar oo Kaarib ah ayaa galinkii danbe maanta ku toogtay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

9/4/2018 12:12 PM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qudbad dheer ka jeediyay shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika isagoo ku tilmaamay shirka inuu yahay mid taariiqi ah.

9/4/2018 11:17 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Alle ha u naxaristeen Saciido Nuur Abuukar [Saciido Wariiri] oo ka mid ah aheyd Gabdhihii ugu horeeyay xulka Qaranka kubadda Koleyga Soomaaliya ayaa ku geeriyootay magaalada Toronto ee dalka Canada.

9/4/2018 9:11 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Ninkii aas-aasay Shabakadda Haqqani, oo ah mid ka mid ah ciidamada ugu dilalka badan, looguna cabsida badan yahay ee kooxda Taliban, ayaa geeriyooday kadib muddo uu xanuunsanaa.

9/4/2018 8:43 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in inta tabashooyinka jira sababi karaan amni daro hadii aan wax laga qaban, waxaanu xukuumada ugu ugu baaqay in ay arrimahaasi jira xalliyaan.

9/4/2018 8:37 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Xarunta Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlo isugu jira, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameynayo kumanaan qof oo danyar ah.

9/4/2018 8:32 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Shirkan oo ah kii 3-aad oo ay isugu yimaadaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo, ayadoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda ....

9/4/2018 8:07 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Maalmihii aan soo dhaafnay waxaa Koonfur Africa ka taagnaa weerarro ku saleysnaa isir-naceyb oo lagu boobay ganacsiga dadka ajaanibta ah oo Soomaalida ka mid yihiin, ka sokow boobka han-tiyeed ee soo gaaray Soomaalida, waxaa jira saddex muwaadiniin Soomaaliyeed oo dab uu qab-saday goob-tooda ganacsi.

9/4/2018 7:11 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Hay'adda u diyaar-garowga Aafooyinka & Kaydka Raashinka Somaliland ayaa ka warbixisay daraasad ay ku sameeyeen khasaarihii ay gaystay duufaantii SAGAR ee ku dhufatay xeebaha Somaliland, taas oo ay ku sheegeen in lagaga soo kaban karo dhaqaale gaadhaya $ 2,11 Milyan Dollar.

9/4/2018 7:07 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud ayaa waxaa ku guuleystay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

9/4/2018 4:46 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa lugu wadaa goor dhow inuu shirkoodii saddexaad uga furmo magaalada Kismaayo kuwaasi oo halkaasi gaaray labadii maalin ee u dambeysay, sheegayna inay ka arrinsanayaan arrimaha khuseeya maamulladooda.

9/4/2018 4:24 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)-Ururkan ku abtirada Al-Qaacida ee Al-shabaab kana dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa daraasad la sameeyay lagu ogaaday in Lixdii bilood ee la soo dhaafay ay qaadeen xoogaggooda 418 weerar.

9/4/2018 2:04 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Ururka Warshadleyda Somaliland ayaa si weyn uga hor timid wareegtadii uu madaxweyne Muuse Biixi ku joojiyey cashuur dhaaf loo samayn jirey alaabta iyo badeecadaha dibada uga yimaada warshadaha.

9/4/2018 12:07 AM EST
Talaado, September, 04, 2018 (HOL)–Jaaliyadda Soomaaliyeed magaladda Columbus Ohio ayaa soo dhaweyn u sameeyay Gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof: Adan Gulled Shabel oo dhawaan soo gaaray magalaada columbus.