4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Dalllada dhalinayarada SOCSOYU oo bilaabay Olale lagu oo celinayo bilicda caasimada Muqdisho

 

Isniin, September, 03, 2018 (HOL) - Dallada Dhalinyarada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta howlo iskaa wax u qabso ah oo lagu badalayo muuqaalada dagaalka si caasimada Muqdisho ugu ekaato mid nabadeed.

Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada (SOCSOYU) Maxamed Warsame Sandhool oo ka qeyb ka ahaa olalahan lagu muujinayo nabada ayaa sheegay in howshan si hor dhac ah looga bilaabay wadadda xiriirisa KM4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Gudoomiye Sandhool ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan Howlaha lagu celin doono bilicda dalka waxuuna intaasi ku daray in howshan maanta ay bilaabeen aysan ku ekaani doonin caasimada balse ay gaari doonto dhamaan magaalooyinka Waa weyn ee gobolada Dalka.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Sandhool ayaa ku dhiiri galiyay dhalinyarada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay ka qeyb noqdaan wax kasto oo dalkooda Hooyo lagu hor marinayo waxuuna cadeeyay in arrintan maanta ay dallada Dhalinyarada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka bilawday Muqdisho ay tahay mid isxilqaan ah cid walbo oo muwaadin Soomaaliyeed ahna looga baahanayahay ka qeyb qaadashadeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]