3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika


Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay marti-gelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota 53 dal oo Africa ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaa wada guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Ramaphosa, iyadoona lagu lafo-gurayo dardar-gelinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in ka qayb-galka Soomaaliya ee Madashan uu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

“Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa sidii ay ugu qancin lahay maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay maalgashadaan ilaha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.”

Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha ay saddexda sano ee soo socoto ku bixinayaan maalgashiga Afrika lacag gaareysa 60 bilyan oo Doollar.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa lasoo gabagabeyn doonaa maalibta berri ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/3/2018 11:48 PM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Dallada Dhalinyarada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta howlo iskaa wax u qabso ah oo lagu badalayo muuqaalada dagaalka si caasimada Muqdisho ugu ekaato mid nabadeed.

9/3/2018 9:45 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

9/3/2018 9:08 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Eng. Maxamuud Khaliif Xassan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo doorashada xilka madaxweynaha Puntland ee ka dhici doonta magaalada Garoowe bisha Janaayo siddeedeeda sanadka 2019-ka; isaga oo halku-dhegga ololaha doorashadiisa ku magacaabay ‘Karti iyo Hufnaan’.

9/3/2018 8:37 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Waa dhacdo ugub ku ah bulshada Soomaalida dhax-deeda kaddib markii la arkay meydka nin dhalinyaro ah oo ka lusha mid ka mid ah baalayaasha korontada deegaanka Siinka dheer ee dulleedka Muqdisho.

9/3/2018 7:38 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Shirkan oo lagu waday in uu furmo maanta ayaa dib u dhacay ilaa maalinta berito ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

9/3/2018 5:28 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha Koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii bishii 4-aad ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Al Shabaab, waxaana ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib ku wareejiyeen Hay’adaha baarista, waxaa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda soo galaan Eedeysanayaasha kale:- Waris Maxamed Cumar, Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

9/3/2018 4:32 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo nabad-sugida ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in uu maleegayay.

9/3/2018 1:57 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Maanta oo Isniin ah waxaa ka furmaya magaalada Beijing shirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan ku dhawaad madaxda 53 dal oo qaarraada ka tirsan.

9/3/2018 1:41 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Guud ahaa marka la eego waa kulankii saddexaad oo ay yeesheen golaha Isbaheysiga ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada, kulankan maanta ka furmaya Kismaaya-na waxaa uu noqonayaa kii labaad oo ay marti-galiso Jubbaland, marka laga reebo Baydhabo oo sidoo kale horey loogu qabtay shirkan.

9/3/2018 1:02 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kamandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.