4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Eng. Maxamuud Khaliif oo si rasmi ah ugu dhawaaqey musharax-nimadiisa xilka madaxweynaha Puntland 2019-ka


Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Eng. Maxamuud Khaliif Xassan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo doorashada xilka madaxweynaha Puntland ee ka dhici doonta magaalada Garoowe bisha Janaayo siddeedeeda sanadka 2019-ka; isaga oo halku-dhegga ololaha doorashadiisa ku magacaabay ‘Karti iyo Hufnaan’.

Xaflad si weyn oo qiira leh loogu soo dhaweeyay Eng. Jabiye ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Xafladdan waxaa ka soo qaybgelay dad weyne fara-badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda jaaliliyadda Puntland.

Madasha munaasabadan ayaa lagu casumay siyaasiyiin Soomaali-American ah iyaga oo ka soo jeediyay goobta khudbado, waxaana kamid ahaa Ilhaan Cumar, Cabdi Warsame, Maxamuud Nuur, Hodan Heello, Siyaad Cali iyo Peter McLaughlin oo ka mid ah komishanka Hennepin iyo siyaasiyiin kale. Siyaasiyiintan ayaa dhammaantood waxa ay u muujiyeen musharraxan taageero diirran iyaga oo sheegay in Eng. Maxamuud Khaliif ay wada taageersanyihiin ayna ku yaqaanaan wanaag badan.

Musharrax Eng. Maxamuud Khaliif ayaa lagu soo dhaweeyay microphone-ka isaga oo dul istaagay qaybo ka mid ah qodobada u qorsheysan oo ay ka mid yahiin: amaanka, dhaqaalaha, waxbarashada, adeegga bulshada iyo maamul-wanaag baahsan. “Waxaan xoogga saareynaa dhisidda ciidan xooggan”, ayuu yiri. “Waxaan dhisaynaa isbitaal ciidanka Puntland gooni u ah”. Eng. Jabiye oo sii wada khudbadiisa ayaa intaasi ku daray in uu aaminsanyahay ciidan jirkiisa iyo mooraalkiisaba ay dhisanyihiin.

Musharraxa ayaa sheegay in ay Puntland ka jiraan caqado badan, kuwaas oo soo socdey mudadii maamulka Puntland uu dhisnaa, ayna u baahan tahay in wax laga qabto.

Eng. Maxamuud Khaliif Xasan ayaa ah maalqabeen ganacsiyo kala duwan ku leh Ameerika iyo Afrika, wuxuu sheegay in Puntland aanu xoolo ka dooneyn ee uu doonayo in uu u adeego magacna taariikhda uu ku reebo. Maxamuud Khaliif sidoo kale waxa uu kamid yahay dadka deeqda ku bixiya arrimaha bini’aadanimada, waxbarashada, caafimaadka iyo taakuleynta masaakiinta. Intaas waxaa sii dheer, in waxyaabaha uu muhimadda kowaad siinaayo ay kamid yihiin ciidamada, cadaaladda, adeega bulshada iyo maamul suuban.

Doorashada Puntland ayaa ku aadan bisha Janaayo siddeedeeda sanadka inagu soo aadan ee 2019-ka; waxaana Madaxweynaha soo dooranaya 66 Xildhibaan oo beeluhu ay iska soo xuleen.

Mohamud Dulyadeyn

Hiiraan Online

[email protected]