4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Nin dhalinyaro ah oo meydkiisa la arkay isaga oo ka lusha mid ka mid ah baalayaasha korontada

 

Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Waa dhacdo ugub ku ah bulshada Soomaalida dhax-deeda kaddib markii la arkay meydka nin dhalinyaro ah oo ka lusha mid ka mid ah baalayaasha korontada deegaanka Siinka dheer ee dulleedka Muqdisho.

Dadka ayaa saakay ku waabariistay meydka ninka dhalinyarada oo ka soo raaraca mid ka mid ah balayaasha gudbiya kaawada ama fiilada korontada, lamana oga sababta uu markii hore halkaa u fuulay.

Maamulka deegaanka ayaa soo gaaray goobta ilaa iyo haddana ma jirto tafaasiil dheeraad ah oo la xiriirta in ninkan uu ka tirsanaa shirkadda koron-tada bixisa iyo in uu ahaa qof doonayay in uu furfurto qalab-ka korontada ee halkaa ku xirnaa, laakiin waxaa la rumeysan yahay geeridiisa ay sababtay koronto.

Wax-yaabaha dadka ka fajiciyay ayaa ah in uusan goobta ka soo dhicin markii ay korontadu qabatay lana arkay saakay isaga oo ka lusha baalaha islamarkaana meyd ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]