5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo furmi doona maalinta berito ah


Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Shirkan oo lagu waday in uu furmo maanta ayaa dib u dhacay ilaa maalinta berito ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Maanta gelinkii hore waxaa magaalada soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayadoo garoonka ay kusoo dhaweeyeen madaxweynaha Jubbaland, kuxigeenkiisa xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Kismaayo waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha afarta dowlad goboleed ee dalka.

Xoghayaha golaha iskaashiga dowlad goboeleedyada Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in shirku dib ugu dhacay arimo ay kamid yihiin kulamo tashi ah oo ay madaxdu yeelan doonaan iyo weliba wufuudda oo maanta qeybtoodii ugu danbeeysay ay timid.

Waxa uu sheegay in berito 10:00 aroornimo uu shirku furmi doono, warbaahintana lala wadaagi doono ajandeyaasha shirkaasi.

Dhinaca kale, Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa soo gaaray Kismaayo, isagoo hadda ku sugan guriga martida oo ah halka uu madaxda dowlad goboleedyada uga furmi doono shirka.

Xoghayaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in Danjiruhu qudbad ka jeedin doono furitaanka shirka, isagoo xusay in danjiruhu dhawaan baneyn doono xafiiska sidaa darteedna ay sii sagootinayaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.