4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Maxkamada ciidamada oo xukun riday

 

Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha Koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii bishii 4-aad ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Al Shabaab, waxaana ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib ku wareejiyeen Hay’adaha baarista, waxaa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda soo galaan Eedeysanayaasha kale:- Waris Maxamed Cumar, Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

Hey’adaha baarista ayaa intaas kadib u soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta weydiisteen Maxkamadda in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe si ay u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha Koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaa uu qirtay in uu ku biiray Al Shabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu ka mid ahaa kun dhallinyara ah oo  shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo ay u suura gashay in uu sii wado dhagridda shacabka uu ku haayay isagoo gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa  ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Al Shabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

Waris Maxamed Cumar ayaa iyada loo heysta in ay aheyd keyd hayaha Hubka Al Shabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxa ay sidoo kale cadeysay in Al Shabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka Al Shabaab gaar ahaan bambooyinka ay isaga gudbin jirtay Ceelasha iyo magaaalada Muqdisho.

Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa ka mid ahaanshiyaha Al Shabaab, sidoo kale waxaa loo heystaa in ay u soo dagaalameen Al Shabaab gaar ahaan kuwooda jid galeenka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada kiiskan u fariisatay laba jeer, markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8-aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiisaka Xeer Ilaalinta ka dalbadeen in ay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.

27 bishii 8-aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay ka mid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystay Maxamed Cabdullahi Maxamed Cadow.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay, kadib markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qarreenada oo ku doodayay in loo fududeeyo xukunnada maadaama ay kala culusyihiin shaqooyinka ay ka dhex hayeen Al Shabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda, Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah.

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xassan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay ku wada xukuntay min 1 (Hal) sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G/Dhexe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).

Eedey-sanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]