3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Shirka Siinaha iyo Africa oo maanta ka furmaya magaalada Beijing

 

Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Maanta oo Isniin ah waxaa ka furmaya magaalada Beijing shirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan ku dhawaad madaxda 53 dal oo qaarraada ka tirsan.

Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa lagu eegi doonaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Africa.

Dhinaca Soomaaliya marka la eego kulanka waxaa ka qeybgalaya wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale ay wehliyaan ganacsato Soomaaliyeed.

Inkastoo qodobada diirrada lagu saaray kulanka u bad-naan doonaan xiriirka ganacsiga labada dhinac Shiinaha iyo qaarrada Africa iyo her-galinta mashaariic hormarineed Soomaaliya shirkan waxaa ay uga faa’ideysan doontaa sidii ay u soo jiidan laheyd idhaha dowladda Shiinaha marka laga eego dhanka fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna.

Madaxweyne Farmaajo oo maalmo ka hor gaaray Beijing ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Shiinaha, waxayna ka wada hadleen dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa inta ay joogaan Shiinaha kulamo gaar gaar ah la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda qaarradda ee kulanka ka qeyb-galiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/3/2018 11:48 PM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Dallada Dhalinyarada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta howlo iskaa wax u qabso ah oo lagu badalayo muuqaalada dagaalka si caasimada Muqdisho ugu ekaato mid nabadeed.

9/3/2018 11:28 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay martigelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

9/3/2018 9:45 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

9/3/2018 9:08 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Eng. Maxamuud Khaliif Xassan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo doorashada xilka madaxweynaha Puntland ee ka dhici doonta magaalada Garoowe bisha Janaayo siddeedeeda sanadka 2019-ka; isaga oo halku-dhegga ololaha doorashadiisa ku magacaabay ‘Karti iyo Hufnaan’.

9/3/2018 8:37 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Waa dhacdo ugub ku ah bulshada Soomaalida dhax-deeda kaddib markii la arkay meydka nin dhalinyaro ah oo ka lusha mid ka mid ah baalayaasha korontada deegaanka Siinka dheer ee dulleedka Muqdisho.

9/3/2018 7:38 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Shirkan oo lagu waday in uu furmo maanta ayaa dib u dhacay ilaa maalinta berito ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

9/3/2018 5:28 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha Koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii bishii 4-aad ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Al Shabaab, waxaana ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib ku wareejiyeen Hay’adaha baarista, waxaa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda soo galaan Eedeysanayaasha kale:- Waris Maxamed Cumar, Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

9/3/2018 4:32 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo nabad-sugida ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in uu maleegayay.

9/3/2018 1:41 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Guud ahaa marka la eego waa kulankii saddexaad oo ay yeesheen golaha Isbaheysiga ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada, kulankan maanta ka furmaya Kismaaya-na waxaa uu noqonayaa kii labaad oo ay marti-galiso Jubbaland, marka laga reebo Baydhabo oo sidoo kale horey loogu qabtay shirkan.

9/3/2018 1:02 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kamandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.