Jawaahir Baarqab : Muqdisho waxaa ku yaala guryo la geeyo gabdhaha la afduubto si jirkooda looga ganacsado
Sabti, September,29,2018, (HOL)– Guddoomiyaha Ururka haweeenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan afduub lagula kaco gabdho yar yar gaar ahaan kuwa qurbaha ka soo laabto in ay jiraan guryo magaalada Muqdisho ku yaala oo gabadhaas la geeyo si jirkooda looga ganacsado.
Jawaari ayaa sidoo kale soo
hadal qaaday in xiliyada habeen barkii xeebta Liido la geeyo gabdho aysan
waalidkood ka war heynin ama siyaabo
kale uga soo dhuunta guriyihii ay ku noolaayeen, halkaa oo lagu sameeyo ayeey
tiri arrimo ka baxan anshaxa.
“Dhibka ugu badan waxaa uu ku
dhacaa gabdhaha yar yar ee qurbaha ka soo laabta oo inta la afduubto la geeyo
guryaha aan sheegay ee ku yaala Muqdisho si looga ganacsado ayeey tiri Jawaari
Baarqab.
''Sidoo kale habeen barkii marka la gaaro gaadiidka Bajaajka waxa ugu badan ee lagu qaado magaalada Muqdisho waa gabdho yaryar oo la geeyo xeebta Liido, kuwaa oo reerkooda ka soo dhuunta reerahoodii iyaga isaga dhigaya in ay xaafaddo kale u socdaan, halkaana waxaa ka dhaca falal anshax darro ah''' ayeey tiri Jawaari.
Waxey sheegtay uu soo gaaray
islamarkaana hayaan war ku saabsan in ay jiraan gabdho London ka yimid oo ilaa iyo hadda la ogeyn
halka ay ku danbeeyeen.
Waa markii ugu horeysay oo
xubin ka tirsan dowladda Soomaaliya ka hadasho arrimahan oo kale iyo in
magaalada Muqdisho ku yaalaan xarumo iyo guryo gabdhaha lagu afduubto,
kaddib-na jirkooda loo isticmaalo hab ganacsi ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]