4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Maayarkii degmada Boorama oo is casilay iyo maayar cusub oo la doortay

 

Sabti, September,29,2018, (HOL)– Maayarkii degmadda Boorama Maxamed Xusseen Maydhanne ayaa maanta is casilay, isla markaana waxaa la doortay maayar cusub.

Maalmihii u dambeeyey waxa khilaaf ka jiray xildhibaanada golaha deegaanka Boorama oo qaar doonayeen inay maayarka ridaan, halka qaar kalena maayarka difaacayeen, haseyeeshee waxa ugu dambeyn lagu qanciyey in maayarku is casilo, waxaanu sheegay maayarkii hore in danta qaranka uu isku casilayo.

Kalfadhigii maanta waxa ka soo qaybgallay Badhasaabka gobolka Awdal, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland iyo xildhibaanadda golaha deegaanka Boorama, waxaana cod gacan taag ah lagu doortay maayarka cusub ee degmaddu yeelatay.

 

Maayarkii hore ee degmada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo fadhigii maanta ka hadlay ayaa sheegay inuu xilkii maayarnimo iska casilay, isla markaana uu u tanaasulay danta guud ee degmadda.

“Anigoo ilaalinaya in aanay nabadgalyo daro ku iman degmada oo aan ku qancay go’aanka madaxweynaha waxaan gartay inaan u tanaasulo danta qaranka oo ay ugu horeyso danta degmada Borama”ayuu yidhi maayarkii is casilay Maydhanne.

 

Intaas ka dib waxa la guddo galay in loo codeeyo maayarka cusub ee degmaddu yeelan doonto, waxaana loo doortay Saleebaan Xasan Xaddi oo hore usoo maray maayarka Boorama.

“xildhibaanadii ii codeeyey iyo kuwii iga codeeyey way mahadsan yihiin, maalintii hore way iga codeeyeen maanta way ii codeeyeen waana isla golihii uun, masuuliyadii hawsha hogaaminayey iyo weftigii la soo diray, sida ay u hogaamiyeen waan u mahad celinayaa”ayuu yidhi maayarka cusub Xaddi.

Maayarkan cusub ee Xaddi ayaa waxa xilkan sidan oo kale kala wareegay maayarkan hadda la bedelayo, muxuuna noqonayaa markii labaad ee loo doorto maayarka Boorame.

 Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.