4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Aabbaha Ruqiya oo beeniyay inuu gabadhiisa bixiyay

Sabti, September, 29, 2018 (HOL) - Toddobadkan waxaa aad loo hadal-hayay  arooska Ruqiyo Cabdullaahi iyo wiilka ay is-caashaqeen ee Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ka soo jeeda beelaha la haybsooco.

Kiiska Ruqiyo ayaa abuurey dood adag,kaddib markii qoyskeeda xubno ka mid ah ,gaar ahaan dhanka hooyadeed ay dil naxdin leh u geysteen Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo) oo adeer u ah wiilka Maxamed Cabdiraxmaan .

Aabbaha dhalay  Ruqiyo, Cabdullaahi Maxamed Axmed oo markii hore la isla-dhexmarayay inuu guurka raalli ka yahay ayaa hadda beeniyay, wuxuuna sheegay in lagala soo baxsaday gabadhiisa ,islamarkaana uusan bixin wilaayadeeda.

"Anniga ayaa Aabbaheed ah Ruqiyo,mana bixin...Afduub ayaa leyga haystaa gabadha" ayuu yiri Aabbe Cabdullaahi oo inta ku daray "Dowladda waxaan ka codsanaya in gabadha la ii soo badbaadiyo."

Taliska booliska Soomaaliya ayaa horey u sheegay saddexda ruux ee u xiran kiiska Axmed Dowlo oo ay ku jirto hooyada dhashay Ruqiyo in  maxkamad la soo taagi doono.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]