4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Talyaaniga oo xoojinaya taageerrada ciidanka Booliska Soomaaliya


Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya,Carlo Campanile ayaa sheegay dowladiisa inay ka go'antahay xoojinta taageerrada iyo dib u dhiska Booliska Soomaaliya,kaddib markii uu xafiiskiisa ku booqday taliyaha booliska Soomaaliya.

Campanile oo ay waheliyeen saraakiil kale oo u ka mid yahay u qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee safaaradda Talyaaniga ayaa kulanka uu la qaatay taliyaha booliska Soomaaliyeed,Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) waxaa diiradda lugu saaray siddii loo  xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Booliska Talyaaniga iyo sidoo kale siddii dawladda Talyaaniga ay ugu qeyb qaadan laheyd dhismaha ciidanka Booliska.

"Booliska Soomaaliya wuxuu qabtay shaqo wanagsan waan ku ammaanaya." ayuu yiri Danjire Carlo Campanile oo inta ku daray " Dowladda Talyaaniga waxaa ay xaqiijinaysa kordhinta taageerada dib loogu dhisayo ciidanka Booliska Soomaaliyeed."

Safiirka dowladda Talyaaniga iyo u qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee safaaradda Taliyaaniga ee Soomaaliya waxaa ay ay shahaado sharaf guddoonsiiyeen Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay sheegeen inuu ku muteystay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee uu ku sameeyey ciidanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]