4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Puntland: Xabsiga dhexe ee Boosaaso oo lagu wareejiyay Ciidamo gaar ah

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Xaalad dagaanasho ah ayaa dib ugu soo laabatay xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, kaddib markii galinkii dambe ee khamiistii  shalay ay ku dagaallameen halkaasi  ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa asluubta ee xabsiga gacanta ku hayay iyo ciidamo uu maamulka u diray xabsiga.

Iska hor imaadkan oo ay ku dhinteen saddex ruux oo mid ka mid ah uu ahaa maxaabiista xabsiga ku xirneyd ayaa la  sheegay inuu ka dhashay markii ciidamadda ilaaladda xabsiga oo ka cabanaya mushaar la’aan muddo dhawr bilood ah ay xoog ku qabsadeen dhismaha xabsiga oo ay diideen in gudaha loo-galo.

Ciidamaddii horay gacanta ugu hayay xabsiga ee gadoodka sameeyay ayaa hadda la sheegay in lugu wada xirey xabsiga,iyadoo xabsiga  lugu wareejiyay ciidamadda gaarka ah ee PSF oo ay maal galiso dowladda Maraykanka.

Dhacdadan ayaa ku soo aaday xilli uu booqasho ku joogo magaalada Boosaaso, madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas oo kulamo halkaas kula qaadanaya saraakiisha ciidamadda iyo dadka deegaanka si xal loogu helo xaaladda amni ee magaalada ganacsiga Boosaaso oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amni darro.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]