4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Xassan Daahir Aweys oo fariin uu soo diray uga hadlay Kiiska dilkii Axmed Dowlo

 

Jimco, September, 28, 2018 (HOL)–Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay u soo noqday hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam, laakiin markii danbe ku biiray Ururka Al-shabaab, islamarkaan dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ku jira gacanta dowladda Soomaaliya, ayaa fariin uu soo diray uga hadlay kiiska dilkii Axmed Muktaar Saalax.

Xassan Daahir ayaa sheegay in markii uu maqlay warka arintan ku saabsan ee la xiriira qof loo dilay heybta uu ka soo jeedo uu siweyn ula yaabay, isaga oo codsaday in sharciga la mariyo sida uu hadalka u dhigay dhamaan dadkii ka danbeeyay dilka marxuumka.

‘’Shareecada Islaamku waxey qabtaan in cid kasta oo ku lug-laheyd dilkaas sharciga la marayo lana qisqaaso, Anniga ma ogi sida hay’addaha Garsoorka iyo Cadaallada dalka ka jira u fulin karaa xukunka noocaas, laakiin haddii ay meesha cadaallad jirto waxaa ay mudan yihiin dadkaas in loo qisqaaso danbigii ay galeen iyo dilkaa foosha xun’’ ayu yiri Xassan Daahir Aweys.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya iyo xildhibaannada Qaranka ayuu ku dhaliilay habka ay umaamalayaan Guurka Laamaha, gaar ahaan in lagu dhawaaqo Aroos Qaran oo loo dhiggayo laamaha.

‘’Anniga shaqsiyan ma qabo in wiilkaa iyo gabadhaa wada dhaqmi doonaan, gabar hooyadeed iyo Abtiyaasheed qisqaas u xiran yihiin iyo wiil adeerkii la dilay ma wada dhaqmayaan, waa wax iska caadi ah in hadda uu rabitaan nafsi ah jiro, laakiin maalmo markii la wada joogo oo rabitaanka nafsiga ah uu dhamaado waa hubaal in aysan wada joogi doonin labadaas dhalinyarada ah ee carruurta ah ee aan waxba kala garaneynin’’ ayuu yiri Xasssan Daahir Aweys.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali si toos uga hadlay kiiska ku saabsan dilka Axmed Mukhtaar Saalax oo la sheegay in marka la dilay kaddib meydkiisa dab la qabadsiiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]