4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Milateriga Soomaaliya oo sheegtay dilka sarkaal Afghani ah

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa sheegay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose in lugu dilay 12 dagaallame oo u ku jiro sarkaal ajanabi ah oo ka soo jeeda dalka Afghanistan,sida ay baahisay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

Sarkaalka ajanabiga ah ee ciidamadda ay weerarka ku dileen waxaa magaciisa lugu sheegay Naasir Aljaabiri , balse lama soo bandhigin caddeymo  dheerad ah sida sawirka iyo macluumad sarkaalkan ku saabsan.

"Qiimeyn ayaan ku sameyn doona, ma garan karo haddii uu geeryooday ...laakin waxaan ogahay inuu ku dhaawacmey howlgalka sarkaal ajanabi ah iyo inay ku dhinteen tiro dagaalyahanno al-Shabaab ah." ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ,Maxamed Ibrahin Barre oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Howlgalka ayaa ciidamaddu waxaa ay ka fuliyeen jidka xeebta ee isku xira caasimadda Muqdisho iyo degmada Marka, gaar ahaanna dhulka ku dhow deegaanka Jilib-marka,mana jiro illaa hadda war ka soo baxay kooxda al-Shabaab oo ay uga jawaabeyso sheegashadda taliska gobolka Shabeellaha hoose ee  ciidamadda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]