4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Jaamacadda GOLIS oo arday dhamaysatay loo soo xiray, xaalada nabada Gobolkana lagaga hadlay


Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)– Munaasabad loo sameeyey arday gaadhaysa 130 dhamaysatay Jaamacada GOLIS ayaa ka dhacday magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen mas’uuliyiin xukuumada Somaliland ka socda, bahda waxbarashada, waxgarad iyo dadweyneba ayaa xooga lagu saaray xaalada amaanka gobolka iyo horumarinta gobolka.

Gudoomiyaha Jaamacada GOLIS faraceeda Laascaanood Prof. Yuusuf Aflahaar oo halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraaday heerarkii ay soo martay iyo waxqabadka ay ka geysteen gobolka mudadii ay furayd, waxaana intaas ku daray in arday dhamaysatay heerka labaad ay bilaha soo socda iyana diyaar yihiin.

"Waxaa muhiim ah in aqoontu wax idinka bedesho oo ayaan ku milmin colaada sokeeye, waana idinka kuwa laga rabo in ay wax ka qabtaan dhibaatada jirta" sidaa waxaa yidhi Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku daray in wixii awoodiisa iyo xukuumad ahaan aysan waxba kala hadhay, 5 qof oo uu isagu bixin doono kharashkoodana waa balan qaaday.

Sidoo kale Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa hanbalyo uu u diray ardayda ka sokow waxa uu sheegay inuu la socdey oo hawsheeda wax kaga jirey illaa furitaankii, waxaana qiray in guul laga gaadhey.

Waxyaabaha soo jiitey dad waxaa ka mid ahaa Hooyo umul ah oo sidatey ilmeheedii oo bilo jira iyo laba isdhalay oo maanta iyana nasiib u yeeshay in ay mar wada qalinjebiyaan, waxaana labada qoloba balan qaad u sameeyey Wasiirka arimaha gudaha.

Waxgarad, odayaal, arday iyo qaybaha kaladuwan ee Bulshada oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyey dufcadii u horeysey ee Jaamacada GOLIS dhamaysatay waxbarashada heerkeeda koowaad, waxaanay intooda badan xuseen qabyaalada sidii loogu bedeli lahaa qalin.

Sikasta ha ahaatee munaasibadan oo ku soo beegantay xili xiisad colaadeed oo xalkeeda lagu mashquulsan yahay sidii laysaga kaashan lahaa iyadoo ardayda jaamacadaha dhogtaana ay taas qaybtooda ka qaadanayeen.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected].     

laascaanood G. Sool