4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2018
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo bilowday hirgalinta mashruuc looga maarmayo isticmaalka dhuxusha


Arbaco, September, 26, 2018 (HOL) -Mashruucaan ayaa loogu talo galay in lagu dhiira geliyo haweenka ka ganacsada dhuxusha si loo yareeyo ka ganacsiga dhuxusha oo keeni karta nabaad guur saameyn ku yelata deegaanka, waxaana badalkii dhuxusha wasaaradda Xanaanad Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo wada arintan ay guddoonsiisay haweenkan Gaas, iyadoo mashruucan lagu bilaabay haweenka ka ganacsada dhuxusha ee degmada Hodan.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxaa ka qeyb galay madaxda wasaaradda, waiilo ka socday UNDP iyo Midowga Yurub, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun oo degmadiisa lagu bilaabay mashruucan.

CabdiQani Raage Baroow isku xiraha dowlada Soomaaliya iyo Hayadaha Qaramada Midoobay ayaa faah faahin ka bixiyay Howshan haweenka lagu siinaayo gaaska cuntada lagu karsado si loo yareeyo ka ganacsiga dhuxusha islamarkaana hoos loogu dhigaayo jarista dhirta,

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa C/kariin Khaliif Cabdi oo ugu horeyn halkaasi kahadlay ayaa sheegay in mashruucaan lagu bilaabay haweenka degmada Hodan.

“Mashruucaan oo ah mid waxtar leh waxaan ku bilownay haweenka ka gacasada Dhuxusha ee kunool degmada Hodan, waxaana rejeyneynaa iney ka faaiideystaan”ayuu yiri.

Madax ka socotay UNDP iyo Midowga Yurub oo iyagana halkaasi kahadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay kala shaqeynayaan sidii looga maarmi lahaa ka ganacsiga dhuxusha.

Raxma Maxamed Jimcaale oo kamid ah haweenka ka faaiideysanaya Barnaamijkan ayaa tilmaamtay in talaabadan ay ku dhiira gelineyso iney ka maarmaan ka ganacsiga Dhuxusha.

“Anaga hadiiba aan helnay dhiira gelintaan wan ku faraxsanahaya waana joojineynaa ka ganacsiga dhuxusha”ayey tiri Raxma Maxamed Jimcaale.

Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa ku bogaadiyey haweenka in ganacsiga dhuxusha oo halis ku ah deegaanka ay tahay waqtigii ay joojin lahaayeen.

“Waad ogtihiin deegaanka ayey halis ku tahay in laga ganacsado Dhuxusha, maadaama hadda Gaas la idin guddoonsiiyey waa inaad la jaanqaadaan dunida sida hadda ay tahay oo aad ka gudubtaan ganacsiga dhuxusha”ayuu yiri.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DHirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo agabkii ay ku ganacsan lahaayeen guddoonsiiyey haweenka degmada Hodan ayaa sheegay in si walba oo ay ku joojin karaan jarista iyo ka ganacsiga dhirta ay sameynayaan.

“Wasaaraddu wax waliba oo arintaan ay ku joojin karto wey sameeneysaa, cid waliba oo nagu taageertay mashruucaana aad ayaan ugu mahad celineynaa”ayuu yiri wasiirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]