4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Musharax Maxamed Shaale oo xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay London


Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna taageerayey siyaasiga Gen Maxamed Axmed Jaamac Shaale oo ah musharax Madaxweyne doorashada Puntland ee 2019, ayaa xalay lagu qabtay London ee caasimada UK,

Xafladan oo lagu qabtay xaafadd ka mid ah London ayna ka soo qaybgaleen dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira Aqoonyahano, Saraakiil.Waxgarad, Culimo, Haween iyo dhaman qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland ee ku dhaqan dalka UK.

Dadka ka soo qaybgalay ayaa qar ka mid ah ka yimaadeen gobolada dalka, xafladan oo ahayd xaflad tii ugu weyneyd ee loo dhigo nin musharax ah , hoolka shirkuna buuxsamay oo dadkii qaar ayaa albaabka laka celiyay qaarna ay taagtaagnaayeen.

Musharax Shaale ayaa si weyn uga mahadceliyay soo dhaweynta milgaha iyo sharafta leh ee Jaaliyadda Somaaliyeed gaar ahaa jaaliyada Puntland u sameeyeen,isagoona sheegay in aanu hilmaami doonin.

Dadkii kasoo qeybgalay munaasabada ayaa sheegay markii ay qiimeeyeen khudbada uu jeediyay Gen.Maxamed Axmed Jaamac Shaale ay tahay mid aan horey loo jeedin marka loo eego aqoonta uu u leeyahay hogaaminta iyo hufnaanta maadaama uu Shaale ka mid ahaa saraakiisha somaliyeed xilal kala duwana kasoo qabtay dowladii kacaanka.

Musharax Shaale ayaa si weyn sanadkan ugu soo diyaar garoobey tartanka Madaxweynaha, waxaana qaar kamid ah shacabku sheegayaan in Shaale u muuqdo qof aan u soo xoolo doonan dalkan burbursan ee uu yahay Hantiile u soo kacay badbaadinta dalkiisa kadib markii uu tiisi daryeelay.

Musharaxa Ayaa Balan Qaaday in uu wax ka qabanayo hadii la doorto Xaalada amino Xumo Xalada Sicir Barar, xaalada caafimaad, waxbarashada,iyo mushaharla aanta Shaqalaha Dawlada iyo Askarta, ugu Danbayntii Xafladaas Ayaa Kusoo Gabagabowday Jawi Aad u wanaagsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]