4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Xukuumadda Somaliland oo la wareegtay Shaybaadhkii Shiidaalka Haamaha Berbera

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto ku soo wareejiyey Shaybaadhka Shiidaalka Haamaha Berbera oo markii hore ganacsato gaar ah maamuli jireen.

Madaxweynuhu wareegtadan waxa uu ku sheegay in Heshiiska ku taariikhaysan 19/09/2015 ee ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS) sanadkii 2015-kii, ujeeddadiisuna ahayd Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Dekedda Berbera;

“Markaan Arkay: Muhiimadda ay leedahay xaqiijinta iyo hubinta tayada shidaalka dalka soo galaya, si loo ilaaliyo hantida iyo dhaqaalaha shacabka Somaliland;

Markaan Garawsaday: In heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha ee Dekedda Berbera aanu ka turjumayn danta guud, isla markaana aanu la jaan-qaadi karin hab-sami u socodka adeegyada baadhitaanka iyo dhawridda tayada shidaalka la soo dejiyo ee Haamaha Shidaalka Berbera uu go’aansaday inay gacanta xukuumadda lagu soo wareejiyo.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Waxaamna laga soo saaray go’aan afar qodob ka kooban:

1) In la buriyey heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ku taariikhaysan 19/09/2015, kaas oo ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS).

2) In Xukuumaddu ay gabi ahaanba la wareegtay, si sharciga waafaqsan, maamulka, iyo lahaanshaha qalabka iyo hantida Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ay hore u lahayd shirkadda (ITSS).

3) In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadda ITSS ku maalgelisay Shaybaadka Haamaha Shidaalka Berbera.

4) In lagu wareejiyo Shaybaadhka Shidaalka Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Horaantii sanadkan ayaa dalka waxa yimid Shiidaal xun taas oo dhibaato badan u keenay gaadiidkii lagu shubay, taas oo keentay in shiidaalkii Shiidaalka keenay la ganaaxo, halka shirkadii shiidaalka keentay ku eedeysay in shirkadda Shaybaadhka fasax u siisay inay shiidaalkaasi dalka soo gallo.

Ugu dambeyntii xukuumadda ayaa Kaydka Haamihii shiidaalka iyo mishiinkii shaybaadhka oo dad gaar ahi maamuli jireenba xukuumadu la wareegto oo hanta qaran laga dhigo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.