4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2018
Danjire Michael Keating oo la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud

 

Axad, September, 02, 2018 (HOL) –Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ay ka wada hadleen xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, iyaga oo sidoo kale isla soo qaaday isbedelada mandiqada Geeska Africa.

Xasan Sheekh ayaa yiri“Waxaan maanta kulan la-yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. Michael Keating kaas oo aan ka wada hadalnay xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale isla soo hadal qaadnay isbedelada mandiqada Geeska Africa”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo kala duwan oo tan iyo markii uu dhawaan soo gaaray magaalada, isaga oo sheegay n socdaalkiisu yahay mid salka ku haya u guur-galida xaalada dalka, gaar ahaan xog wareysi uu la yeelan doono guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xassan Sheekh oo hadda ah xildhibaan sharafeed ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya socdaalkiisa Muqdisho waxaa uu ku soo aadaya xilli 10-ka bishan September lagu wado in uu dib u furmo kalfadhiga Baarlamanka Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]