4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya oo gole wasiirro cusub yeeshay

 

Axad, September, 02, 2018 (HOL) –Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya ayaa maanta meel mariyay islamarkaana ansixiyay gole Wasiirro cusub oo uu soo dhisay madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee dowlad deegaanka Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar.

Ma’aha oo kaliya gole Wasiirro sidoo kale magacaabistan cusub waxaa qeyb ka ah maareeyayaal dhamaantood-na waxaa maanta meel mariyay baarlamaanka dowlad deegaanka oo la horgeeyay.

Magacyada xubnaha golaha wasiirrada cusub:

1 Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar

2 Madaxweyne Ku xigeen Aadan Faarax Ibrahim

3 Wasiirka Biyaha Bashiir Shaafi

4 Wasiirka Maaliyadda Bashiir Dubbad

5 Wasiirka Madaxtooyada Xasan Dhaadhi

6 Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse

7 Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed

8 Wasiirka Beeraha C/qaadir iimaan

9 Wasiirka Howlaha Guud C/fataax Sheekh Biixi

10 Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Axmed Xasan

11 Wasiirka Ka hortagga Masiibooyinka Maxamed Cabdi

12 Wasiirka Qurbajoogta Xabiib Xaaji

13 Wasiirka Xeer-ilaalinta C/wali Jaamac Ibrahim

14 Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq

15 Wasiirka Cadaaladda Mubaarak Sheekh Cumar

16 Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Xasan Aadan

17 Wasiirka Haweenka Ayaan Cabdi Shukri

18 Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali

19 Wasiirka Dhalinyarada Xasan Faarax Cali

20 Wasiirka Dooxooyinka Axmed Deeq Maxamed

21 Wasiirka Sayniska Axmed Naaji

22 Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Ilyaas Abiib

23 Maareeyaha Xafiiska xirfadaha iyo tababarrada

24 Maareeyaha Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali

25 Maareeyaha Wakaaladda Jidadka Sacaada Giire

26 Maareeyaha Wakaaladda Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]