9/25/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2018
Cabdiweli Gaas "Waxaan rabnaa inaan helno dowlad-gobolleedyo mid ah, hadafkooduna yahay Soomaalinimo"


 

Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-gobolleedka Jubbaland, halka oo u ugu qaybgelayo shirka hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada dalka.

"Waxaan u nimid shirka madasha wada-tashiga dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo looga wada-hadlayo arrimaha masiiriga ah ee u gaarka ah, khuseeyana iskaashigooda iyo guud ahaan danta caam ka ah, waxaan rabnaa inaan helno dowlad-gobolleedyo mid ah, hadafkooduna yahay Soomaalinimo, hirgeliyana nidaamka fadaraaliisamka." ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Cabdiweli, oo ah guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada wuxuu sheegay in shirka uu socon doonno muddo saddex cisho ah, isagoo inta ku daray in shirku yahay mid lagu raadinnayo qaranimo Soomaaliyeed, wadajir, wax wada qaybsi, xasillooni iyo walaaltinimo Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa noqonaya kulankii saddexaad oo ay yeeshaan golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo ah gole ay ku mideysanyihiin dhammaan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, waxaana saacadihii hore ee maanta gaaray Kismaayo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online

 







Click here
9/2/2018 5:10 PM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

9/2/2018 12:55 PM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

9/2/2018 10:44 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya ayaa maanta meel mariyay islamarkaana ansixiyay gole Wasiirro cusub oo uu soo dhisay madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee dowlad deegaanka Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar.

9/2/2018 7:22 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo....

9/2/2018 7:21 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)– Lix ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhin-teen weerar Ismiidaamin ah oo barkhanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 7:11 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Militiriga Mareykanka ayaa sheegay in ay joojin doonaan $300m (£230m) oo ah lacago Pakistan caawimaad ahaan loo siin jirey ka dib markii sida la sheegay xukuumadda Islamabad ay ku guul dareysatay wax ka qabashada kooxaha hubeysan ee jooga Pakistan.

9/2/2018 5:11 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa barkhanimadii maanta lagu weeraray xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 4:17 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)-Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 2:15 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) - Dowladda Suuriya ayaa beenisay warar sheegaya in qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha militariga ay ku leeyihiin magaalada Dhimishiq ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

9/2/2018 1:36 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa ka badbaaday isku dey dil kaddib markii qarax miino loogu xiray gaarigiisa oo ay ku dhaawacmeen labo askari.

9/2/2018 1:23 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa ay ka socdaan kulamo aan kala joogsi laheyn oo looga arinsanayo magacaabista gole Wasiirro cusub oo uu yeesho maamulka kaddib markii ay isku biireen Ahlu Sunna Waljameeca.