4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo Kismaayo gaaray [Sawirro]


Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, ayadoo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Madaxdan oo ka qeybgali doonta shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam, Xubno ka tirsan labada gole ee Jubbaland, ururrada bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxdan oo markii ay yimaadeen kadib warbaahinta kula hadlay qeybta nasashada ee garoonka ayaa sheegay in ay u yimaadeen ka qeybgalka shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, ayagoo sheegay in shirkaasi ay uga hadli doonaan wax dan u ah bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la filayay in uu yimaado ayaa baaqday, ayadoo masuuliyiinta Jubbaland ay sheegeen in uu iman doono berito.

03- September oo ku aadan berito ayaa lagu wadaa in uu furmo shirka, ayadoo aan ilaa hadda la sheegin ajendyaasha shirka, balse Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in shirkan yahay mid 3-dii biloodba mar ay yeeshaan madaxda golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.