Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Militiri-ga
Mareykanka ayaa sheegay in ay joojin doonaan $300m (£230m) oo ah lacago
Pakistan caawimaad ahaan loo siin jirey ka dib markii sida la sheegay
xukuumadda Islamabad ay ku guul dareysatay wax ka qabashada kooxaha hubeysan ee
jooga Pakistan.
Madaxweyne Donald Trump ayaa kal hore Pakistan ku
eedeeyay in ay khiyaamayso Mareykanka xilli uu balaamiiyin doolar ugu deeqo.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga
Mareykanka, Lt. Col Koné Faulkner, ayaa sheegay in militiriga Mareykanka uu
lacagahan ku bixin doono meelo kale baahi deg deg ah loo qabo.
Hase ahaatee, talaabadan ayaa u baahan in ay
ansixiyaan golaha Congress, waana qeyb kamid ah waxyaabihii waa weynaa oo ay ku
dhawaaqeen bishii Janaayo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Pakistan,
ku dhaleeceysay sida ay ugu guul dareysatay in ay ka hor tagto kooxaha
argagaxisada ah ee ciideeda ka waday dagaalada, waxaana kooxahaas kamid
ah ururka Haqqani oo xiriir la leh Talibaanta Afghanistan.
“Waxaa sii wadaynaa in aan Pakistan ku cadaadino
in ay si aan kala sooc la heyn u bartilmaameedsato kooxaha argagaxisada ,” ayuu
yiri Col. Faulkner.
Tallaabadan, ayaa timid maalmo uun ka hor
booqashada xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu ku tagi doono
dalka Pakistan si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaas Imran
Khan.
Bishii Janaayo, ayaa Mareykanku sheegay in uu ka
jaray dhammaan kaalmada amni ee Pakistan ka heli jirey.
Mareykanka iyo dalal kale ayaa muddo dheer ku
doodi jirey in Pakistan ay hoyso kooxo badan oo mayil adag kuwaas oo weeraro ka
fuliya dalka dariska la ah ee Afghanistan.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay
dowladda Pakistan oo ku aadan tallaabada Mareykanka ku dhawaaqay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]