4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray xarunta degmada Howl-wadaag

 

Axad, September, 02, 2018 (HOL) - Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan hasse ahaatee waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah oo halkaa la sheegay in ay ka qaadeen dad ay wax yeello soo gaartay.

Waxaa dumay masjid weyn oo ku yaala dibedda bannaanka oo la sheegay in ay ku jireen carruur halkaa qur’aanka ku baraneysay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]