4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo ka badbaaday isku-dey dil

 

Axad, September, 02, 2018 (HOL) - Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa ka badbaaday isku dey dil kaddib markii qarax miino loogu xiray gaarigiisa oo ay ku dhaawacmeen labo askari.

Qaraxan ayaa ka dhacay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir galinkii danbe ee shalay waxaana uu guddoomiye ku-xigeenku u sheegay Idaacada VOA in watiga uu qaraxu dhacayay uusan saarneyn gaariga.

‘’Darawalka ayaa ogaaday in qarax miino lagu soo xiray gaariga, markii uu nagu soo war-galiyay oo aan sugeyney ciidamadii fur furi lahaa miiinada, qaraxii ayaa dhacay’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Magaalada Muqdisho waxaa aad ugu badan qarax-yada lagu xiro gaadiid oo lagu horey loogu qaarajiyay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]