3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2018
Galmudug : Qaban-qaabada magacaabista gole wasiirro oo socta

 

Axad,  September, 02, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa ay ka socdaan kulamo aan kala joogsi laheyn oo looga arinsanayo magacaabista gole wasiirro cusub oo uu yeesho maamulka kaddib markii ay isku biireen Ahlu Sunna Waljameeca.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa saacadihii ugu danbeeyay wada tashiyo joogta ah la lahaa xubno ka tirsan baarlamaanka Galmudug, siyaasiyiin iyo waxgaradka deegaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in inta badan leysku afgartay magac-yada iyo xilalka xubnahan cusub ee golaha wasiirrada laakiin wali dhaman yihiin wadatashiyo hoose oo aan sidaa u badneyn, lagana yaabo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo golaha wasiirradda.

Waxaa isha lagu hayo habka magacaabista iyo sida ay uga soo dhax muuqan doonaan labada dhinac ee isku biiray Galmudug iyo Ahlu Sunna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/2/2018 5:10 PM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

9/2/2018 12:55 PM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

9/2/2018 10:44 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya ayaa maanta meel mariyay islamarkaana ansixiyay gole Wasiirro cusub oo uu soo dhisay madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee dowlad deegaanka Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar.

9/2/2018 10:10 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee dowlad-gobolleedka Jubbaland, halka oo u ugu qaybgelayo shirka hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada dalka.

9/2/2018 7:22 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo....

9/2/2018 7:21 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)– Lix ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhin-teen weerar Ismiidaamin ah oo barkhanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 7:11 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) – Militiriga Mareykanka ayaa sheegay in ay joojin doonaan $300m (£230m) oo ah lacago Pakistan caawimaad ahaan loo siin jirey ka dib markii sida la sheegay xukuumadda Islamabad ay ku guul dareysatay wax ka qabashada kooxaha hubeysan ee jooga Pakistan.

9/2/2018 5:11 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)–Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa barkhanimadii maanta lagu weeraray xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 4:17 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)-Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

9/2/2018 2:15 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL) - Dowladda Suuriya ayaa beenisay warar sheegaya in qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha militariga ay ku leeyihiin magaalada Dhimishiq ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

9/2/2018 1:36 AM EST
Axad, September, 02, 2018 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa ka badbaaday isku dey dil kaddib markii qarax miino loogu xiray gaarigiisa oo ay ku dhaawacmeen labo askari.