4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Madaxweyne Waare oo sheegay in uu dhamaaday khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka

 

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay is afgarteen iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda federaalka ay ka wada hadlleen tabashooyinka ay qabaan, islamarkaana shaqsiyan uu dowladda kala heshiiyay khilaafkii kala dhaxeeyay.

Wada-hadalladan ayaa waxaa yeeshay madaxweynaha Hirshabeelle, ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, iyaga oo isla eegay caqabadaha taagan iyo tabashada maamulka Hirshabeelle ay ka qabaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego dhinac-yada amniga iyo siyaasada.

Dowladda federaalka ayuu ugu baaqay dowladda ay wada-hadal la furto dowladda gobolleed-yada oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo, isaga oo sheegay ka maamul ahaan in ay gacan ka geysan doonaan isku soo dhaweynta dowladda Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada.

Maxamed Cabdi Waare ayaa todobaadkii hore shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu siweyn u weeraray siyaasada amniga ee dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]