Isbedelka ka dhacay Somali State oo sababay isku socodkiii Hargeysa iyo JIgjiga uu kordho
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)
- Tan iyo intii
isbedelku ka dhacay deegaanka Soomaalidda Itoobiya waxa isku furmay isku
socodkii shacabka Hargeysa iyo Jigjiga, taas oo keentay in dad faro badan oo
aan awal hore u tagi jirin ay u xiisaan inay jigjiga booqdaan.
Bulshada qaybaheeda
kala duwan ayaad ku arkaysa magaalo xuduudeedka Wajaale, kuwaas oo ku sii jeeda
JIgjiga, isla markaana xiisaynaya inay booqdaan, waxaanay dadku ku faraxsan
yihiin isbedelka dhacay iyo sida aanay uga cabsoonayn inay meesha ay doonaan
tagaan.
Waayadii hore way
adkayd in magaaladda Wajaale xadku dhexmaro aad usoo gudubto dhinaca Itoobiya,
taas oo aad halis ugu jirto in markiiba lagu xidho, sidaas darteed dadku may
dhaafi jirin dhinaca Somaliland.
Sidoo kale, waxa
mamnuuc ahayd in gaadiidka isku talaabaan oo alaab ka soo qaadaan Dhinaca
Wajaale ee Somaliland taas oo la baadhi jiray mararka qaarkoodna la dhici jiray
dadka ganacsatadda ah ee Wajaale alaabta ka soo rarta, haseyeeshee hadda
arrimahaasi way is bedeleen oo gaadiidku toos bay iskugu talaabayaan, iyadoo
alaabo ka soo iibsanaya suuqa weyn ee Wajaale ayey u gudbayaan ilaa JIgjiga.
Wajaale ilaa
jigjiga waxay waagii hore ka jiray kantaroolo dadka lagu silcin
jirey oo lagu baadhi jirey,isla markaana marar badan dhacday in la iska xidho,
haseyeeshee hadda si fudud baad iskaga gudbi kartaa.
“waxaan ka imid
Jigjiga waxaana u tagay inaan iska booqdo, waxaan xiisaynayey isbedelka ka
dhacay oo waagii hore way adkayd in la isku gudbo adigoo xiitaa sharci
haysta ayaa lagu cadibi jirey oo mararka qaarkood laga jarjari jirey, hadase si
fudud baad iskaga talaabaysaa cid wax ku odhanaysaana ma jirto”ayuu yidhi Axmed
Yuusuf oo ka mid ah dhalinyaro booqasho ku tagtay Jigjiga.
Wajaale iyo Jigjiga
waxa loo kala socdaa afartan daqiiqo, isla markaaana nooliguna aad u jaban
yahay, taas ayaa keenaysa in dadku booqdaan qaarkoodna intay galinka hore
tagaan ka dambe ka soo laabtaan.
Intaad joogto
Wajaale waxaad arkaysa shacab faro badan oo sii socda iyo kuwo soo socda,
kuwaas oo baabuurtu daqiiqadaba aanu taagnayn ee markiiba uu Busku dhaqaaqayo
shacabka badan ee raacaya awgeed.
Wajaale waa suuq
weyn oo ay wax ka iibsadaan Soomaalida deegaanka iyo qoomiyada Oromada,
waana labadda qoomiyeed ee aad ugu xidhan Somaliland ee mar walba usoo
talaaba dhinaca Somaliland, qaarkood Hargeysa usoo dhaafaan maadama oo Wajaale
iyo Hargeysa wax badan kala fogeen oo qiyaas ahaan isku jiraan wax ka yar
saacad.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.