4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2018
Madaxweynaha Eritrea oo qeybgali doona shirka Urur gobolleedka IGAD ee ka furmaya Addis Ababa

 

Arbaco, September, 12, 2018 (HOL) –Eritrea ayaa  hadda u muuqata in ay soo ceshaneyso xubin-nimadii Urur gobolleedka IGAD,  iyadoo maanta  madaxweyne Isaias Afwerki uu ka soo muuqan doono shirka Ururkan uga furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirka ayaa sidoo kala lagu wadaa in lagu ansixiyo si rasmi ah xubin-nimada Eritrea iyadoo dhanka kalana lagu gurfeyn doono isbadalka iyo dadaallada nabadeed ee guud ahaanba ka socda wadamada Geeska Africa.

Tallaabadii ugu danbeysay ee lagu dhameynayo colaadda Itoobiya iyo Eritrea  ayeey labada hoggaamiye waxaa ay ku guuleysteen maalintii shalay in ay si rasmi ah isugu furan xadka labada dowladdood ay wadaagaan si dib loogu soo celiyo isku socodkii labada dhinaca.

Dowladda Eritrea ayaa laga saaray xubinimada urur Goboleedka IGAD Sanadkii 2007-dii, wixii waqtigaa ka danbeeyay-na waxaa ay u muuqatay mid go’doon kaga jirta aduunka intiisa kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]