4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2018
Itoobiya oo ciidamaddeeda ka qaadaneysa xadka Eritrea

 

Arbaco, September, 12, 2018 (HOL) -Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in uu ciidamada dalkiisa kala bixi doono xadka uu la wadaago Eritrea, kaddib markii maalintii shalay dib leysugu furay xadka labada dowladdood.

Kumanaan qof - oo ay ku jiraan askar ka kala socota labada dhinac - ayaa kala qayb galay hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya dib u furitaanka xuduudda magaalooyinka Burre iyo Zalambessa kuwaas oo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ahaa furin dagaal oo labada dal u dhaxaysa.

Wax yaabaha kale ee dhacay todobadkii hore ayaa waxaa ka mid ah ciidamo wada jir ah oo ka kala tirsan labada dowladdood ay wada jir uga qeyb qaateen howlgal miino baaris ah oo laga sameeyay xadka, taaa oo dhibaato weyn ku ahaa isku socodka labada dhinac, gaar ahaan dhinaca ganacsiga.

Heshiiskii ay qaramada midoobay garwadeenka ka ahayd ee la saxiixay sanadkii 2000 ayaan marna la dhaqan galin dalalkuna ay xaalad dagaal kusii jireen.

In ciidamada laga saaro deegaanada lagu muransan yahay ayaa markasta ahayd dalab ka imaanayey Eritrea- taas oo horay ugu eedaysay Itoobiya in ay jabisay heshiiskii sanadkii 2000 ee xuduudda.

Balse labada dal ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed oo cusub bishii July - kaas oo aayar aayar u baddalayey xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo itoobiya kuwaas oo aan lahayn xiriir ganacsi iyo mid diblumaasiyadeed toona tan iyo dabayaaqadii sagaashameeyadii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]