4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Cali Gacal Casir : Maba jiraan xildhibaanno aan aqoonsanahay oo ku shiray Dhuusa- Mareeb

 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo mar kale soo kala dhax-galay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Galmudug kaddib markii mooshin xil ka qaadisa ah la sheegay in laga gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Maxmed Xaanshi Carabey

Cali Gacal Casir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin xildhibaanno uu aqoonsan yahay oo ku shiray ama ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamul gobolleedka Galmudug.

Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha waxaa qabtay oo ogolaaday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo marar badan oo hore sidan oo kale xildhibaannada uga gudoomay mooshin laga keenay labada mas’uul oo siyaasad ahaan siweyn isugu dhaw kana soo horjeeda hoggaanka sare ee maamulka.

Arrintan ayaa qayb ka ah xurgufta u dhaxaysa hogaanka sare ee maamulka Galmudug, taasoo si aad ah u soo ifbaxday wixii ka dambeeyey Sabtidii, markaasoo ay madaxda maamul goboleedyada ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Shirka ku soo dhamaaday Sabtidii aynu soo dhaafnay Kismaayo waxaa muuqanaya in aysan mahadin labadan maamul ee Galmudug iyo Hirshabeelle oo dhaxdooda hadda ku kala qeysamay arintaa marka loo eego saddexda maamul gobolleed ee kale, kuwaa oo ilaa iyo hadda aan laga soo sheegin xurguf siyaasadeed oo sidaa u weyn.

Hirshabeelle laftirkeeda ma degana siyaasad ahaan oo waxaa jira xildhibaanno ku kacsan madaxweyne Maxmed Cabdi Waare oo isku diyaarinaya mooshin ka dhan ah in ay gudbiyaan guddoonkooda baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]