4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Hanti dhowrka Qaranka oo iska fogeeyay eedeyn uga timid hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada

 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa qoraal ka soo baxay waxaa leysaga fogeeyay eedeyn uga timid hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada Soomaaliya ee dhawaantan ku shiray magaalada Kismaayo.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska hanta-dhowrka guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in ay ka madaxbanaan yihiin fara-galin siyaasadeed, waxaana uu warku intaa ku darayaa in bayaankii dhawaan ka soo baxay Kismaayo uu shaki badan galiyay madax banaanida iyo dhex dhexaadnimada Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Hanti-dhowrka Qaranka ayaa sheegay in uu ku marti-qaadayo kuna casuumayo cid kasta oo rabta in ay ka hesho xafiiska macluumaad dheeraad ah oo la xiriira sida uu u shaqeeyo :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]