4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Taliska Booliiska Federaalka Itoobiya oo beeniyay in jir dil loo geystay Cabdi Maxmuud Cumar

 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Ehelada iyo Qoyska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay ciidamo ka tirsan Booliiska federaalka Itoobiya in ay jir daran u geysteen madaxweynihii hore Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Sadiiqa Cabdi Ismaaciil oo ah xaaska madaxweynihii hore ayaa sheegtay in ay idhahooda ku arkeen ciidamo ka tirsan Booliiska federaalka oo si adag u jir dilaya madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar xili ay isku dayeen in ay qado ugu geeyaan goobta ama jeelka uu ku xiran yahay.

‘’Jaranjarada  karo ayeey ka tureen annaga oo arkeyna, Budhadh ayeey madaxa kala dhaceen iyo dhabarka, dhulka ayeey ku jiideen isaga oo qeylinaya, hooyadii ayaa isku deyday in ay ka fujiso, iyadii-na meel halkaa ah ayeey ku tureen, kaddib sidii ay u jiidayeen ayeey isaga oo miir la’a ku rideen musqul ayeey tiri’’ Sadiiqa Axmed Ismaaciil.

Sidoo kale hooyadii oo la hadashay warbaahinta ayaa iya-na sheegtay in ay aragtay wiilkeeda Cabdi Maxamuud Cumar oo la jirdilayo, waxaana ay intaa ku dartay in waqtigan aysan hubin in uu nool yahy iyo in kale.

‘’Waxaan ku dhah-nay haddii uu nool yahay na tusa, haddii uu dhintay-na meydkiisa na siiya aan aasanee, labaduba wey inoo diideen,’’ ayeey hadalkeeda sii raaciisay.

 

Laakiin taliyaha guud ee ciidamada federaalka Itoobiya Jeneraal Zeyinu Jemal oo arintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay isaga oo sheegay in uusan jirin wax jir dil ah, xaaladiisa caafimaad-na loo diyaariyay kalkaaliyayaal ku sugan gudaha saldhiga oo xitaa u diyaarsan ayuu yiri in ay xarun caafimaad u gudbiyaan haddii uu tabanayo xannuun darran.

"Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto" ayuu sii raaciyey.

Lamo oga wax ka run ah eedeymaha qoyska Cabdi Maxamuud Cumar iyo beenninta taliska Booliiska federaalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]