11/20/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Kulan aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Puntland uga socda Garoowe


 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland ayaa hadda ku shirsan xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe,kulankan oo saraakiisha ay ku tilmaameen mid aan 'caadi ahayn' waxaa guddoominaya madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Kulankan waxaa kalo ka qaybgelaya madaxweyne ku-xigeenka Puntland,arrimaha diirrada lugu saarayo waxaa ka mid ah in golaha uu ka dooddo go’aankii hoggaamiyayaasha madasha wadatashiga dowlad-gobolleedyada ay xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka, qodob kale oo la xiriira xaaladda gobolka Sool ayaa ka mid ah arrimaha kale ee kulanka looga hadlayo.

" Shirkan deg dega ah waxaa ay golaha uga hadlayaan arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreeyso xaaladda siyaasadeed ee dalka." ayuu yiri sarkaal goobjoog u ah shirka oo la hadlay Hiiraan Online.

Warbaahinta ayaa dibad joog ka ah kulanka, balse warar horu-dhaca ah oo laga helayo halka uu ka socda shirka ayaa sheegaya in go'aamo kulanka laga soo saari doonno ay qeyb ka noqon karraan in Puntland ay hakiso xiriirka ay la leedahay hay'adaha dowladda federaalka,sida ay oggaatay Hiiraan Online.

Kulankan aan horey loo sii shaacin, wuxuu ku soo aaday xilli khilaaf xooggan uu u dhaxeeyo dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka, waxaana shir maalmo ka hor ku soo dhammaaday Kismaayo ay si wadajir ah dowlad-gobolleedyada xiriirka ugu jareen dowladda dhexe ee federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online







Click here
9/11/2018 4:39 PM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo mar kale soo kala dhax-galay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Galmudug kaddib markii mooshin xil ka qaadisa ah la sheegay in laga gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Maxmed Xaanshi Carabey

9/11/2018 1:55 PM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa aqbalay qabashada mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

9/11/2018 11:25 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa qoraal ka soo baxay waxaa leysaga fogeeyay eedeyn uga timid hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada Soomaaliya ee dhawaantan ku shiray magaalada Kismaayo.

9/11/2018 9:51 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Ehelada iyo Qoyska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay ciidamo ka tirsan Booliiska federaalka Itoobiya in ay jir daran u geysteen madaxweynihii hore Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

9/11/2018 9:08 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland oo kulan deg deg ah maanta ku yeeshay xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa soo dhaweeyay dhammaan go'aamadii ka soo baxay shirkii hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee Sabtidii lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo.

9/11/2018 7:13 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay meel aan ka fogeyn hoygiisa magaalada Muqdisho subaxnimadii hore ee saakay xubin ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya.

9/11/2018 4:28 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xiray labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii.

9/11/2018 2:20 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Tan iyo intii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu go’aanka ka soo saaray in Kaydka haamaha shiidaalka ee Berbera ku soo celinayo gacanta dawladda waxay dhalisay is faham waa ku kala dhex dhacay iyaga iyo ganacsataddii maamuli jirtay oo ku doodaya in lacag badan kaga maqantahay maalgashi ay ku sameeyeen Haamaha.

9/11/2018 2:03 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soomaaliland ayaa daahfurtay Sumad cusub oo ay yeelan doonaan Baabuurta Somaliland, taas oo gobol walba astaan u gaar ah la raacin doono.

9/11/2018 1:58 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo sida ay hadalka u dhigeen in mudo ahba laamaha amnigu ku raad joogeen.

9/11/2018 12:51 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta qaar ka mid ah maamuladdii ku shiray Kismaayo ee Sabtidii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee federaalka.