Xukuumadda Somaliland oo si juujuub ah kula wareegay Haamaha Shiidaalka ee Berbera
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Tan iyo intii
madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu go’aanka ka soo saaray in Kaydka haamaha
shiidaalka ee Berbera ku soo celinayo gacanta dawladda waxay dhalisay is faham
waa ku kala dhex dhacay iyaga iyo ganacsataddii maamuli jirtay oo ku doodaya in
lacag badan kaga maqantahay maalgashi ay ku sameeyeen Haamaha.
Shirkadaha gacanta ku hayey ayaa iyagu sheegtay in lacag
badan galiyeen dib u dhiska Haamaha Shiidaalka oo muddo sanad ah ay maamulayey,
waxaanay dawladda ka dalbadeen ilaa intii lacagtii ka gashay loo celinayo aanay
wareejinayn,taas oo ay isku fahmi waayeen guddi loo xil saaray wareejintaasi
iyo shirkaddii maamulaysay haamaha.
Ka dib markii la isku afgaran waayey in dib loogu soo
celiyo gacanta dawladda haamaha Kaydka Berbera ee shiidaalka waxa si jujuub ah
shalay kula wareegay xukuumadda, haseyeeshee waxa goobtii ay kula wareegayeen
aan ka soo xaadirin shirkadihii maamulayey marka laga reebay hal qof oo ka mid
ahaa 11 ganacsade ee shuraakada ku ahaa maamulka haamaha.
Masuulkii madaxweynuhu usoo magacaabay maamulka Haamaha
waxa ku wareejiyey ganacsade Cali Ciise (Cali Waraabe) oo ah shakhsiga kaliya
ee xil wareejinta yimid ee ka mid ahaa ganacsataddii shuraakadda ku ahaa
maamulka Haamaha, halka intii kale aanay ka soo xaadirin xil wareejintaasi.
“maanta waxaan idinku wareejinaynaa Haamo dhisan waanu
balaadhinay oo halka booyadaha lagaga shubo shiidaalka oo markiiba afar gaadhi
gali jireen imika sideed gaadhi baa hal mar galla, hadii aanu ganacsato nahay
mucaarad maba noqono oo maalinba kii kursiga ku fadhiya ayuun baanu
taageerna”ayuu yidhi ganacsade Cali Waraabe.
Maareeyaha cusub ee Kaydka Haamaha Berbera Xasan Axmed
Anbasi ayaa soo dhoweeyey la wareegidda Haamaha, waxaanu sheegay inay si
wanaagsan u wada shaqayn doonaan iyaga iyo ganacsatadda adeegsada Haamaha
shiidaalka ee Berbera.
Tan iyo intii khilaafka ganacsatada maamuli jirtay
haamaha iyo xukuumadda bilaabantay waxa sare u kacay shiidaalkii oo la sheegay
in hakad uu soo gallay shiidaalkii ay dalka keeni jireen,taasina ay sababtay
qaaliga shiidaalka ku yimid.
Barkhad-ladiif M.
Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.