4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Somaliland oo shaacisay inay bedelayso taarikaddii gaadiidka


Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soomaaliland ayaa daahfurtay Sumad cusub oo ay yeelan doonaan Baabuurta Somaliland, taas oo gobol walba astaan u gaar ah la raacin doono.

Xafladan lagu daahfurayey waxa ka soo qaybgallay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka, Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka.

Agaasimaha Guud ee Amniga Arimaha Gudaha, Xubno ka socda Xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa, Wakiilka Dawlada Jabuuti ee Soomaaliland, Saraakiil Ciidanka Booliska ah iyo Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka, Hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo marti sharaf kale.

“waxaan jeclahay inaan idiin soo bandhigno Sumadda gaadiidka, sida hore loo sheegay wax ka bedelka lagu sameeyey sumadda gaadiidka waxa jidaynayaa xeerka 35 ee 2018 ee la ansixiyey 2013-kii, kaasi oo qodobkiisa 48-aad farqadiisa 2-aad ayaa waajibinaysay in gobolo laga dhigo, taasi inaga oo dabaqayna xeerkaasi ayey waajib noqotay inaynu wax ka bedel ku samayno”ayuu yidhi wasiirka Gaadiidka C/laahi Abokor.

Waxaanu intaas ku daray “Waxay inagu soo kordhinaysa bedelkani maaha kaliya Sumaddan gaadiidka ee waxay gali doontaa Xog kaydsan (Data base), kaasi oo xogtii qofka laga heli doono, waxaana wada soconaya Data base kii iyo Plate Numberkii, markii hore si Manual ah ayaa loo diiwaan galin jiray, balse imika nambar walbaba waxa uu yeelanayaa xog u gaar ah, waxa kale oo muhiim ah nambarkani waxa uu yeelanayaa astaantii qaranka oo aan masaxmaynin oo markii hore waa ay inaga masaxmi jirtay, waxa kale oo aanu ka saarnay nambarkii Carabiga ahaa,”.

Waxa kale oo iyaguna munaasibaasi ka hadlay Wakiilka Dawlada Jabuuti u jooga Somaliland, Madaxa Xafiiska Dawlada Ingiriiska ee Soomaaliland, Agssimaha Guud ee Amniga Arimaha Gudaha, Guddoomiyaha Macdarada Baabuurta iibiya, Agaasimaha Waaxda Aqoosiga Wadida Gaadhiga , kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday faaiidada uu leeyahay adeegan ay soo bandhigtay Wasaaraddu.

Wax ka bedelka lagu sameeyey sumadii gaadiidka waxay waxtar weyn u tahay shacabka oo markii hore dhibaato dhaqaale ku ahayd maadaama oo numbarka gaadhiga ku xidhan lagu iibsan jirey, iyadoo numbarba numbarka ka dambeeyey uu ka qiimo badnaa,haseyeeshee imika lama kala garan karo kii cusbaa iyo ka kale waxaana gaadhiga lagu iibsan doona tayada gaadhiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.