4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo muddo ay ku raad joogeen

 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo sida ay hadalka u dhigeen in mudo ahba laamaha amnigu ku raad joogeen.

Sarkaalka la dilay oo la sheegay in uu ka tirsanaa kooxda amniyaadka oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayeey toogashadiisan timid kadib markii uu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda mid kalana dhaawac u geystay ka hor inta aysan ciidamadu toogashada ku dilin.

‘’Ciidamadu waxey doonayeen markii hore in ay qabtaan oo si nabad ah loo qabto, laakiin wey suurtagali weyday weerar ayuu qaaday, ciidamadii howlgalka qabashadiisa fulinayay wuxuu ka dilay hal askari mid kalana wuxuu dhaawacay, kaddibna ciidamadu waa ay toogteen’’ ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble oo u hadlay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Sarkaalkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Abuukar Xassan Cadde laakiin ku shaqeyn jiray magaca Siyad Abuu Kaliil, kana tirsanaa kooxda amniyaadka ee toogashada dadka ku fuliya.

Ma jiro wax war ah oo ay Al-shabaab ka soo saareen sarkaalkan la sheegay in looga dilay howlgalka, hasse ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale marar badan oo hore sheegtay in ay howlgal ku dishay xubno ka tirsanaa Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]